4 Arrimood Oo Kaa Luminaya Waqtigaaga Maalin Kasta.

time management

Maxaa Kaa Lumimaya Waqtigaaga Adigoon Ogaanin

Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee aad leedahay, waa ka qaalisan yahay lacagta, sababtoo ah lacag waa la heli karaa mar kale, laakiin waqti mar tagay dib looma soo celin karo. Dad badan waxay ka cawdaan in noloshu ay  ordayso, in maalintu ay dhammaanayso iyaga oo aan wax muuqda qaban, haddana marka la waydiiyo halka waqtigu ka baxay, jawaab cad ma hayaan.

Xaqiiqdu waxay tahay in waqtigaaga uusan lumaynin hal mar, balse uu si tartiib ah uga baxo gacantaada, adigoo aanba dareemin. Waxaa jira arrimo yar-yar oo maalin kasta kugu dhaca, kuwaas oo marka la isku daro noqda sababta ugu weyn ee dib u dhaca noloshaada, horumarkaaga, iyo riyadaadaba.

Qoraalkan waxaan si qoto dheer uga hadli doonaa 4 arrimood oo si qarsoon kuu luminaya waqtigaaga maalin kasta, adigoon xitaa ogaanin, iyo sida aad uga badbaadi karto.

1. Isticmaalka Mobile iyo Social Media Aan Xadidnayn

Mid ka mid ah waqtiga ugu badan ee naga luma maanta waa isticmaalka mobile-ka, gaar ahaan baraha bulshada sida Facebook, TikTok, Instagram, YouTube, iyo WhatsApp. Dad badan waxay u maleeyaan in ay mobile ka u isticmaalayaan “nasasho”, balse dhab ahaantii waa waqti si buuxda uga baxaya gacantooda mana aha mid ku soo laaban doona abid.

Waxaad furaysaa mobile-kaaga si aad hal fariin u eegto, ama hal muuqaal u daawato, kadibna saacad ama laba saacadood ayaa kaa dhamaata adigoon dareemin. Maskaxdaada waxay gashaa wareeg joogto ah oo mashquul ah, taas oo kaa qaadaysa diiradda, isla markaana kaa hor istaagta inaad qabato arin wax ku ool ah.

Tusaale dhab ah aan ku siiyo markaan akhristoow, qof shaqo doon ah ama wax baran lahaa ayaa maalintii ay ka qaadan kartaa 3 ilaa 5 saacadood oo isticmaalka mobile ka ah,  taas oo haddii loo rogo waxbarasho, xirfad, ama shaqo online ah, noloshiisa wax badan ka beddeli lahayd. Miyaysan sidaas ahayn?

Xalka
Samee xad ama xayndaab cad oo aad mobile u isticmaasho, demi notifications ka aan muhiimka ahayn, kuna qorshee waqti gaar ah oo aad baraha bulshada u isticmaasho, adigoo aan ka bixin xadkaas.

2. Qorshe La’aan Maalinle ah

Qof aan lahayn qorshe maalinle ah, wuxuu la mid yahay qof safar galay isaga oo aan garanayn halka uu u socdo. Marka aad subax walba kacdo adigoon lahayn qorshe cad, maalintu si dabiici ah ayay kuu liminaysaa, halkii aad adigu maamuli lahayd.

Dad badan waxay ku noolyihiin nolol falcelin ah, waxay ka jawaabaan waxa yimaada, qof soo waca, fariin timaada, ama xaalad degdeg ah, balse ma laha wax ay iyagu si ula kac ah u qorsheeyeen.

Tusaale ahaan, qof baa subax walba ku dhahaya “waan arki doonaa maanta waxaan samayn lahaa” ama waxaad arkaysaa dadka qaar oo heegan ah hadii ladhaho kaalay i raaci diyaar ah, hadii loo baahdana markasta la helayo oo aanb lahayn qorshe qoran oo uu ku socdo.  Qofkaasi inta badan wax badan ma qabto, marka la barbardhigo qof qortay 3 hawlood oo kaliya oo muhiim ah.

Xalka
Qor ugu yaraan 3 hawlood oo muhiim ah habeenkii ama subaxda hore, una kala hormari waxa ugu muhiimsan. Xitaa haddii aadan dhammaynin, hal hawl oo la qabto ayaa ka qiimo badan maalin dhan oo la wareero.

3. Dib u Dhigis Joogto ah (Procrastination)

Dib u dhigistu waa cadowga qarsoon ee waqtiga. Ma aha caajisnimo toos ah, balse waa inaad garanayso waxa aad samayn lahayd, haddana aad dooranayso “markale” iyo “beri”.

Waxaad dhahdaa

  • waan bilaabi doonaa berri
  • waan sugayaa waqti ku habboon
  • waxaan u baahanahay inaan marka hore nasto

Laakiin berri iyo waqti ku habboon-toona mar walba  dib unbay usii dhacayaan waligeedna lama gaadho.  Hawsha yar ee aad maanta qaban lahayd waxay isu beddeshaa culays maskaxeed oo weyn, taas oo sii kordhisa daalka iyo walbahaarka.

Tusaale dhab ah, qof raba inuu bilaabo ganacsi yar, ama in uu barto xirfad, ayaa sannado ku lumin kara fikir kaliya, isaga oo mar walba dib u dhigaya tallaabada ugu horeysa.

Xalka
Bilow xitaa haddii aadan diyaar ahayn, samee talaabada ugu yar maanta, ha sugin kaamilnimo ama dhamaystirnaan horumarku wuxuu ka yimaadaa ficil, ma aha fikir keliya.

4. Yool Aan Cadayn iyo Diirad La’aan

Marka aadan lahayn yool cad oo noloshaada ah, wax kasta ayaa ku mashquulinaya. Waxaad rabtaa wax walba, balse midna si dhab ah uguma socotid. Maskaxdaada ayaa noqota mid kala yaacsan, waqtigana wuxuu ku baxaa isku dayo aan dhammaanayn.

Dad badan waxay bilaabaan wax badan, balse ma dhammeeyaan midna. Maalin waxaad rabtaa inaad wax barato, berri ganacsi, berri shaqo kale, adigoo aan hal meel ku adkaysan. Taas ayaana sida dhabta kaa dhigaysa mid daalan oo walbahaarsan mar walba xataa adiga oo dadaalaya maadaama warkaagu yahay “Meelkasta farbaan kula jiraa

Tusaale ahaan, qof hal sano gudaheed bilaaba 5 qorshe oo kala duwan, balse midna aan dhamaystirin, wuxuuna waqti aad u badan luminayaa marka la barbardhigo qof hal yool si buuxda ugu heellan islamarkaana diirada saaray kaliya yoolkaas maalinkastana ka shaqaynaya wax usii dhawaynaya gaadhistiisa.

Xalka
Dooro hal yool oo kuu muhiim ah xilligan, ku adkayso muddo, jooji wax kasta oo kaa jeedinaya ka fogow, diiraddana saar hal meel, waqti kooban gudaheedna natiijo ayaad arki doontaa in sha ALLAAH.

Gunaanad

Waqtigaaga ma lumin hal mar, balse wuxuu kaa baxaa adigoo mashquul ah, qorshe la’aan ah, dib u dhigaya, oo aan lahayn yool cad. Haddii aad maanta garato arrimahaas, oo aad wax ka beddesho, noloshaadu si dhab ah ayay isu beddeli kartaa.

Xasuusnow
Qof walba wuxuu haystaa 24 saacadood
Farqiga u dhexeeya guuleyste iyo guuldarreyste waa sida waqtiga loo isticmaalo uun.

Hadda waa Xiligii aad adigu maamuli lahayd waqtigaaga, halkii uu waqtigu ku maamuli lahaa.

Kader Abdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *