4 Sababood Oo Aad Ku Kasban Karto Ixtiraamka Dadka

respect

Ixtiraamka dadka kale waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee nolosha qofka saamayn weyn ku yeesha. Qofka la ixtiraamo wuxuu helaa kalsooni, saaxiibtinimo, fursado shaqo, iyo xiriir bulsho oo caafimaad qaba. Dad badan ayaa is weydiiya: Sideen ku kasban karaa ixtiraamka dadka kale? Jawaabta su’aashaas ma aha lacag, ma aha awood, mana aha hadal badan, balse waa dabeecad iyo ficil joogto ah.

Qormadan waxaan si faahfaahsan ugu sharxi doonaa 4 sababood oo aad ku kasban karto ixtiraamka dadka, kuwaas oo hadii aad fahanto kuna dhaqanto, kaa caawin doona in aad noqoto qof laga qadariyo meel kasta oo aad tagto.

1. Inaad Ixtiraamto Naftaada Ayaa Ah Furaha Ixtiraamka Dadka Kale

Sababta ugu horaysa ee ixtiraam lagu kasbado waa inaad naftaada ixtiraamto. Qofka is qiimeeya islamarkaana yaqaana xuduudihiisa, dadka kale si dabiici ah ayey u qadariyaan. Haddii aad naftaada u aragto qof aan qiimo lahayn, dadka kale sidaas oo kale ayey kuu arki doonaan.

Waa in aad sida ugu badan u ixtiraamto naftaada una qadariso kahor inta aadan meelkale aadin taas oo kaa dhigi doonta mid ay dadka kale si joogta ah u qadariyaan waana wax dabiici ah midaasi.

Is ixtiraamku wuxuu ka muuqdaa:

  • sida aad u hadasho,
  • sida aad u labisato,
  • sida aad go’aamo u qaadato,
  • iyo sida aad u difaacdo sharaftaada adigoo aan dagaal galin.

Qofka mar walba ogolaada in la liido ama la yaso ama la dulmiyo, ixtiraam ma kasbado. Laakiin qofka si edeb leh u muujin kara waxa uu ogol yahay iyo waxa uusan ogolayn, wuxuu dhisaa sumcad iyo sharaf waqti dheer sii jirta.

2. Ka dhabee Hadalkaaga Iyo Ballantaada

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee lagu kasbado ixtiraamka waa daacadnimo. Dadku waxay jecel yihiin qofka hadalkiisa ka dhabeya, balantiisana ilaaliya. Taas badalkeeda qofka hadalka badan hadana ficil yar leh, si dhakhso ah ayuu u lumiyaa kalsoonida iyo ixtiraamka dadka kale.

Haddii aad tiraahdo “waan imaanayaa” waa inaad timaadaa.
Haddii aad tiraahdo “waan qabanayaa” waa inaad qabataa.

Xitaa hadii aadan awoodin wax, in aad si cad u sheegto runta waa ka sharaf badan tahay in aad balan been ah bixiso. Daacadnimadu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso kalsoonida, kalsooniduna waa saldhiga ixtiraamka.

3. Sida Aad Ula Dhaqanto Dadka Kale Marka Aad Awood Leedahay

Dabeecada dhabta ah ee qofka waxaa la arkaa marka uu helo awood, lacag, ama jago. Qofka dadka kale ku ixtiraama marka uu wax haysto, wuxuu muujinayaa akhlaaq iyo bisayl sare.

Haddii aad:

  • dadka kaa hooseeya si xushmad leh ula dhaqanto,

  • aadan ku faanin waxa aad haysato,

  • aadan yaraysanin ama xaqirin dadka kale,

waxaad kasbanaysaa ixtiraam qoto dheer oo waara. Dadku waxay xusuustaan sida aad ula dhaqantay, ee ma xusuustaan kaliya waxa aad haysatay si lamid ah waxa aad siisay. Xataa hadii adiga oo qof wax siinaya aad si liidata ama si yasitaan ku dheehan yahay u siiso ogow in aadan kasbanin qalbiga qofkaas. Taas badalkeeda waxaana la arkaa in uu ixtiraam wayn kuu hayn doono qofka aadan waxba siinin laakiin aad si fiican oo qadarin leh oo dareen leh aad runta uugu sheegtay.

Ixtiraamku kama yimaado awood, balse wuxuu ka yimaadaa sida aad awooddaas u isticmaasho.

Qaaciido: qofka aduunyo kaa raba iyo midka aad adigu ka rabto si iskumid ah uula dhaqan. Waa adag tahay laakiin waa daacadnimada meesha ugu saraysa.

4. Xasilooni Iyo Aamusnaan Xiliga Ku Haboon

Sababta afraad ee lagu kasbado ixtiraam waa xakameynta nafta. Qofka aan mar walba xanaaqin, aan hadal deg-deg ah bixin, kana fogaada muranka aan faa’iidada lahayn, waxaa loo arkaa qof maskax ahaan bisil.

  • Mararka qaar aamusnaantu waa hadalka ugu culus.
  • Qofka garan kara goorta la hadlo iyo goorta la aamuso,
  • Qofka aan ku degdegin jawaab xanaaq leh,

si dabiici ah ayuu u kasbadaa ixtiraam. Dadku waxay u arkaan qof caqli iyo xasillooni leh, kana duwan inta badan dadka buuqa jecel.

Gunaanad

Haddii aad rabto in aad kasbato ixtiraamka dadka kale, ha ku mashquulin in aad dadka raalli geliso ama aad muujiso wax aadan ahayn. Halkii, aad ku dadaali lahayd:

  • inaad naftaada ixtiraamto,

  • hadalkaaga ka dhabeyso,

  • dadka si wanaagsan ula dhaqanto,

  • oo aad barato xakameynta naftaada.

Ixtiraamku waa wax la kasbado, ee ma aha wax la dalbado kumana xidhna inaad madax tahay, lacag haysato ama xoog badan tahay.  Qofka noqda qof akhlaaq leh, daacad ah, oo xasiloon, dadka kale si dabiici ah ayey u ixtiraamaan.

Xusuusnow: dadku kuuguma ixtiraamaan waxaad sheegato, balse waxay kuugu ixtiraamaan waxaad noqoto.

KA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *