Qaybtaan waxaan ku eegi doonaa labadii qaybood ee kale ee aan sheegnay in ay sabab u yihiin in Soomaalida aysan wali ka muuqan laamaha federal-ka shaqo abuur ahaan waana wax u baahan in si intaan ka balaadhan loo falanqeeyo runtii maadaama ay tahay arin muhiim ah oo jiilalka danbe waxbadan ay ka faa’iidi doonaan hadii loo sii Dhabi xaadho xiligaan.
Qaybtii 2aad waxaan kagasoo hadalnay Maamulka deegaanka iyo sida ay uga gaabiyeen waajibaadkii ka saarnaa in dhalinta soomaaliyeed ay uuga faa’iideeyaan fursadaha balaadhan ee ka jira laamaha federal-ka gaar ahaan kuwa ku yaala deegaanka soomaalida.
Qaybtaan 3aad waxaan kaga hadli doonaa labadii qaybood ee kale iyo sida ay sabab muuqata ugu leeyihiin islamarkaasna ay tahay in doorkooda ciyaaraan si aan dhamaan uwada helno waxa aan u qalano ka soomaali ahaan.
2. Aqoonyahanka, Odayaasha iyo wax garadka
Wax-garadka (Odoyaasha) dhaqanka oo isbadalkii kadib inta badan si toos ah ugu milmay siyaasada islamarkaana doorkoodii hogaamin iyo toosin ka gaabiyay ayay ahayd in ay arinkaan meel adag iska taagaan islamarkaana ay ku qiimeeyaan maamulka deegaanka iyo maamulka dalkaba.
Waxay ogyihiin oo inta badana ay sheegaan in Itoobiya waxeedii ay ku qaybsatay qaydhiinka hadana waxay iska indha tiraan in waxoodii bisaylka lagula cunayo, qaar kalana kumaba baraarugsana midaas. Markii hoos looga dagay magaca “Soomaali” waxay ina dhaxalsiisay inaan garan wayno waxa aan nahay iyo meesha aan joogno.
Wax-garadka (odayaasha) dhaqanka waxay ogyihiin in dhalinyartii u dhalatay deegaanka kadib isbadalkii ay noqdeen in wadanka ka baxday siyaabahay dooni ha uga baxaane iyo in muqaaxiya fadhida waxaana dhacda in ay waalid u yihiin qaar kamid ah dhalintaas aan tilmaamayno.
Inkastoo maanta aysan ahayn inaan ahaano kuwii ka caban lahaa in wax kaga maqan yihiin dalka marka loo eego baaxada dhulkeena, tirada dadkeena, khayraadka deegaankeena, iyo marinada dhaqaalaha ee wadanka Itoobiya taas oo inaga dhigaysa deegaanka ugu muhiimsan dalka. Hadana hadiiba ay dhacday inaan cabano waxay ahayd inaan ka cabanayno waxa inaga maqan xagii aan dhaxdeena kala caban lahayn una cabanayno cida keentay waxa aan ka cabanayno.
Aqoon yahanka u dhashay deegaanka ha joogaan dalka gudihiisa ama dibadiisa e waxaa waajib kasaaran yahay in ay xal dag-dag ah ka keenaan sababta aysan soomaalidu uuga muuqan laamaha fadaraalka gaar ahaan shaqo abuur ka dhalinyarta. Waa in ay falanqeeyaan sababaha keenay, xalka dhaw iyo midka fog ee arintaan lagu cidhib tiro karo. Markii wax la iswaydiiyo, la gorfeeyo islamarkaana la iswaydaarsado fikiro togan waxaa xaqiiq ah in la helo natiijo wanaagsan.
Hadii ay dawlada deegaanka ka gaabisay inay maalgaliso Doodo iyo aqoon iswaydaarsiyo lagu lafagurayo arintaan iyo kuwa lamidka ah ee danta u ah magaca soomaaliyeed waxaan u soo jeedinaynaa in aqoon yahanka ay qaataan doorkaas bilaabaana kulamo lagaga doodayo dhibkaan iyo sidii looga bixi lahaa iyaga oo kaashanaya ganacsatada soomaaliyeed.
3. Dhalinyarada deegaanka Soomaalida.
Marka aynu si dhab ah u eegno, qaybta saddexaad ee arrintaan ugu wayn waa dhalinyarada deegaanka Soomaalida. Waa kuwa sababta dhabta ah u ah in “Somalida aysan ka dhex muuqan Adeegyada Faderalka” waana cududii mustaqbalka deegaanka, balse nasiib darro, intooda badan ma qaadanin umana diyaarsana xataa kuma dhiirana doorkii laga filayay.
Waxaa laga filayay in dhalinyaradu ay noqdaan kuwo u heelan inay galaan laamaha dowladda federaalka, oo ay tartan kula galaan dhalinyarada qoomiyadaha kale ee Itoobiya, haba joogto in loogu yimaado deegaankooda e. balse halkii ay ka noqon lahaayeen hormuud, waxaa muuqata in ay ka doorbideen shaqooyin sahlan, gunooyin badan oo dagdag ah, iyo nolol raaxo doon ah oo aan himilo dheer lahayn.
Inkastoo nidaamka dawliga ah ee qabiilaysan uu kala dhantaalay hamigii iyo himiladii dhalinyar badan oo wax badan qaban lahaa isbadal muuqdana kusoo kordhin lahaa naftooda, dadkooda, iyo deegaankoodaba hadana saami-qaybsiga qabiil ee kajira guud ahaan qaabdhismeedka dawliga ah ee ay hoos joogaan. Hadana waxay ahayd in taas badalkeeda ay ka faa’iidaystaan fursadaha kajira laamaha fadaraalka ee ku yaala deegaanka.
Waxaa la joogaa waqtigii dhalinyaradu ay fahmi lahaayeen in aysan jirin cid deegaanka horumarin doonta haddii aysan iyagu qaadan masuuliyadaas. Waa in ay bartaan afkaarta iyo xirfadaha u oggolaanaya inay ka shaqeeyaan xafiisyada federaalka sida kuwa Laydhka, Isgaadhsiinta, Bangiyada, Jibriyada, Xafiiska Hawada (Ethiopian Airlines), iyo Wasaaradaha kala duwan. Waa in ay diyaar u noqdaan in ay si sharaf leh ugu tartamaan boosaskaas, halkii ay eegi lahaayeen ama ku mashquuli lahaayeen wax dhamaan kara bari.
Waxaa la joogaa waqtigii dhalinyarada deegaanka Soomaalidu ay beddeli lahaayeen maskaxdii “fudaydka” iyo “cabsida,” una beddelaan maskax karti, tartan, iyo kalsooni nafeed. Dhalinyarooy, idinka ayaa dooran kara in deegaanka la maqlo ama la illoobo. idinka ayaa go’aamin kara in magaca Soomaalidu uu kor u kaco ama uu hoos u sii dhaco.
Mashaariicda waawayn ee hada laga fulinayo Deegaanka soomaalida waxay ahayd maantay in soomaalida ay ku yeelato hirgalintiisa iyo nidaamkiisaba door balaadhan kaliya halkii uu ku ooli lahaa uun deegaankooda taas waan gaadhi doonaa maalin uun hadii maanta aan bilowno inaan iswaydiino waxa aan mudanahay iyo sida aan u heli lahayn.
Gunaanad
Guud ahaan sababta dhabta ah ee Soomaalida uga maqan tahay nidaamka federaalka Itoobiya inkastoo ay jiri karaan sababo intaan ka badan hadana sadexda sababood ee muuqda ayaa kala ah:
- Dowladda deegaanka, oo ka gaabisay masuuliyadii ka saarnaa ka faa’idaysiga laamaha fadaraalka.
- Aqoonyahanka iyo Wax-garadka, oo doorkii toosin iyo hoggaan lumiyay.
- Iyo dhalinyarada, oo ka fogaaday mas’uuliyaddii ay lahaayeen.
Si arrintan xal waara loogu helo, waa in saddexdaan qaybood ay si dhab ah isugu yimaadaan. Dowladdu waa inay abuurtaa barnaamijyo dhiirrigeliya shaqo abuurka federaalka, aqoonyahanku waa in ay noqdaan kuwo abaabul iyo talo horseeda, Odayaasha waa in magaca soomaali wax ka hooseeya aybal ka yara nastaan inta magacaan uu helayo wixii uu mudnaa, dhalinyaraduna waa in ay diyaar u noqdaan tartan iyo door cusub.
Maanta waxaa inaga maqan matalaad, balse berri waxaa iman kara isbeddel haddii qof walba uu doorarkiisa qaato. Haddaan nahay Soomaali, waxaan leenahay dhul, dad iyo dhaqaale; waxa kaliya ee inaga dhiman waa midnimo, go’aan iyo dadaal.
w/q Khadar
Ka akhri qaybihii hore hoos
Maxaa sabab u ah in Soomaalidu aysan ka dhex muuqan nidaamka federaalka Itoobiya?
Maxaa sabab u ah in Somalida aysan ka dhex muuqan Adeegyada Faderalka? Q-2aad

Waad mahadsantahay