Ethiopia waa dal noocee ah?
Ethiopia waa dal ku yaalla Geeska Afrika, wuxuuna xuduud la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Ereteriya, iyo Kenya. Waa dal leh taariikh dheer oo qaddiimi ah, waxaana lagu tiriyaa dalalka Afrika ee aan weligood la gumaysan.
Ethiopia waa dal qoomiyado iyo luuqado badan leh. Waxaa ku nool dad ka kala socda qowmiyado kala duwan sida Oromo, Amhara, Tigree, Somali, Sidama, Afar, iyo kuwo kale oo badan. Qowmiyad walba waxay leedahay luuqad iyo dhaqan u gaar ah, waxaana dalkaasi lagu yaqaan kala duwanaanshaha bulshada iyo dhaqanka.
Luuqadda Amxaariga (Amharic) ayaa noqotay luuqadda rasmiga ah ee dalka, waxaana lagu isticmaalaa dowladnimada iyo isgaarsiinta guud. Hase yeeshee, qowmiyad walba waxay leedahay luuqaddeeda rasmi ah oo ay ku isticmaasho deegaan keeda.
Ethiopia waxay ka kooban tahay 10 Dowlad Deegaan iyo 2 Magaalo-Degmo oo madax-bannaan (Addis Ababa iyo Dire Dawa). Deegaan walba wuxuu leeyahay madaxdiisa, baarlamaan u gaar ah, iyo awood maamul oo dastuuri ah. Deegaanka ugu dambeeyay ee la sameeyay waa Deegaanka Sheger City Administration oo dhawaan laga gooyay Koonfurta.
Baaxadda guud ee dalka waa ku dhawaad 1.1 milyan km², taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka ugu ballaaran Afrika. Dadka ku noolna waxay kor u dhaafayaan 120 milyan oo qof, taasoo ka dhigaysa dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika kadib Nigeria.
Lacagta rasmiga ah ee dalka waa Birr (ETB).
Hoggaanka hadda haya waa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali, oo xilka haya tan iyo sanadkii 2018. Intii uu xilka qabtay, waxaa dalka ka dhacay isbeddel siyaasadeed iyo maamul oo ballaaran, gaar ahaan dhinaca xorriyadda siyaasadda, duminta nidaamkii hore ee xoogga ku dhisnaa, iyo hirgelinta nidaam federaal ah oo dadka iyo deegaanada awood u siiya.
Deegaanka Soomaalida Waa sidee?
Marka la eego Deegaanka Soomaalida gaar ahaan, isbeddelkii weynaa ee ka dhacay 7dii sano ee u danbaysay. Deegaanka ayaa ka mid noqday meelaha ugu deggen dalka, halkaas oo horumar ballaaran oo bilow ah laga sameeyay inkastoo wax intaas kabadan laga qaban karayay marka loo eego amniga lahelay iyo dhaqaalaha la maamulay . Sidoo kale, xiriirka deegaanka iyo dowlad dhexe ayaa si aad ah isu beddelay, iyadoo hadda deegaanka aad loo tixgeliyo maadaama uu yahay ama uu ku yaalo meel aad muhiim ugu ah guud ahaan dalka Ethiopia marka la eego saldhiggiisa juquraafi iyo kheyraadkiisa dabiiciga ah.
Haddii aan si daacad ah u eegno xaaladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa muuqata in inkastoo deegaanka uu yahay mid ballaadhan, dadkiisuna yihiin dad halgan iyo taariikh leh, haddana ay jiraan ka maqnaansho iyo ka qeybgal la’aan muuqata oo ku saabsan adeegyada iyo fursadaha dowladda federaalka.
Marka la barbar dhigo deegaanada kale ee Itoobiya, waxaa la dareemayaa in bulshada Soomaalidu aanay si buuxda uga muuqan adeegyada muhiimka ah sida:
-
Laydhka (korontada): magaalooyin badan oo deegaanka ka tirsan wali ma haystaan adeeg koronto joogto ah, halka deegaanada kale sida Amxara, Oromia iyo Tigree ay helaan laydh joogto ah oo laga dhiso mashaariicda dowladda dhexe.
-
Isgaadhsiinta iyo Internet-ka: adeegyada sida Ethio Telecom iyo internet-ka xawaaraha sare leh waa kuwo aad u liita ama aanba jirin gobollo badan oo deegaanka ah.
-
Bankiyada iyo nidaamka maaliyadeed: dadka deegaanka aad bay ugu yar yihiin meelaha ay ku leeyihiin xafiisyo bangi oo casri ah, iyadoo ay adag tahay in la helo adeegyo la mid ah kuwa laga helo Addis Ababa ama deegaanada kale.
-
Shaqooyinka dowladda federaalka iyo fursadaha shaqo: tirada dadka Soomaalida ee xilal sare ama dhexe ka haya hay’adaha federaalka ah waa mid aad u yar marka la barbardhigo tirada qowmiyadaha kale, xitaa marka la eego tirada guud ee dadka deegaanka. Jijiga dhamaan xarumaha federal ka ee kuyaala dhamaan maamulka sare waa wada qowmiyadaha kale side Jibriga, Laydhka, Isgaadhsiinta, Banks ka, Airports ka. taasna waxaa sabab u ah 3 arimood oo waawayn oo ka gaabiyay xilalkoodii ama masuuliyadoodii ka saarnayd in ay soo dhiciyaan sharaftii iyo xaqii soomaalida ay ku lahayd Ethiopia.
Waxaan kaga hadli doonaa qormada xigta meesha ay dhibaatada ka jirto iyo xalka dag-daga ah iyo midka mustaqbalka ah ee laga gaadhi karo dhibkaan si uusan ugu sii gudbin jiilalka danbe maadaama ay hadaba muuqato in dhulkii deegaanka soomaalida uu damac balaaran ku socdo ooba la isla soo dhaafay xaq iyo shaqo.
lasoco qormada xigta
w/q Khader

2 Comments on “Maxaa sabab u ah in Soomaalidu aysan ka dhex muuqan nidaamka federaalka Itoobiya?”