Maxaa Sababay Tayo Xumada Waxbarashada ee DDS? Q-4aad

4

Qaybta 4-aad – Gunaanadka Taxanahii xaqiiqda ahaa xogta lahaa ee xiisaha badnaa 

  • Yaa masuuliyada iska leh?
  • Maxaa la gudboon shacabka?
  • Waa maxay xalka macquulka ah?

Akhristoow, waxaan soo wadnay taxane dheer oo aan ku iftiiminaynay qormooyin inaga oo soo iftiiminay xaqiiqada  taas oo aynaan cidna ugu aaba yeelayn, waxaan dib u eegnay fasallo aan u qalmin carruurta, macalimiin aan lahayn daryeel iyo dhiirigelin, iyo nidaam waxbarasho oo aan lahayn jiho fog oo lagu badbaadin karo mustaqbalka deegaanka. Hadaba maadaama aan soo gudbinay xaqiiqooyinkaas oo dhan waa in aynu isweydiinaa su’aasha ugu weyn:

1. Yaa iska leh mas’uuliyadda dhabta ah?

Masuuliyada tayada waxbarashada waxaa leh oo keliya waa xukuumadda DDS, maadaama:

  • Ay iyadu qorato macalimiinta,
  • Ay iyadu tixraacdo manhajka,
  • Ay iyadu maamusho miisaaniyadda waxbarashada,
  • Ay iyadu hubiso tayada dugsiyada si lamid ah nidaamka.
  • Ay iyadu door ku leedahay siyaasadda waxbarashada ee mustaqbalka dalka.

Haddaba xaqiiqataan tayo xumada baahsan ee dhanka waxbarashada deegaanka soomaalida waxaa si dhaw iyo si dheerba u qaadanaysa xukuumadda DDS, sababtoo ah:

  • Waxay ku mashquulsan tahay wacyigelin muuqaal ah oo ka fog waxqabad dhab ah.
  • Waxay xooga saartay in ay joojiso qishka imtixaanaadka, halka ay dayacday dhisida nidaam baris barasho oo xoogan
  • Waxay dhistay iskuulo, laakiin waxay dayacday macalinka kaas oo ah tiirkii ugu muhiimsanaa waxbarashada.
  • Waxay ka gaabisay inay la timaado curin lagu dabaqayo qorshaha fog oo wax ku oolka ah.

Fashilka maanta muuqda ma aha mid uu sababay macalinka, mana aha mid uu sababay ardaygu.
Fashilka waxaa sababay siyaasadda maamul ee aan lahayn xeelado wax looga badalayo wixii soo jiray taas oo abuuraysa niyad jab wayn maadaama maamulka jooga hada mudo kabadan 7 sano oo wali sheegta inay yihiin maamulkii ugu aqoonta badnaa, ugu waayo aragsanaa, islamarkaana ugu muwaadin sanaa,

2. Maxaa la gudboon shacabka doorashada ka hor?

Inkastoo sharciyada qoran ee inta badan wadamada Africa ay iska yihiin uun “shinbirayahow heesa hees wanaagsana qaada” taas oo noqonaysa afka uun maadaama awooda ugu badan ay leeyihiin shacabka sida qoran laakiin sida muuqata ay yihiin wax sidaas aad uga fog.  hadana waxaan wali leenahay Shacabka DDS waa inay ogaadaan hal arrin oo muhiim ah:

Nidaam waxbarasho oo liita waa → jiil liita → bulsho liita → horumar liita.

Inkasta oo sida muuqata uu wadanka iyo deegaankaba ay kajiraan kaliya hal xisbi aan ku celiyo kaliya hal xisbi haday noqoto maamul iyo tartanba hadana waxaan leenahay waxaa shacabku doorashada ka hor la gudboon:

  • In la waydiiyo musharaxiinta(xisbigaas) qorshahooda waxbarasho ee dhabta ah,
  • In la ogaado waxa ay u qaban doonaan macalimiinta, maadaama iyagu yihiin laf-dhabarka tayada,
  • In la hubiyo sida ay u qorsheeyaan nidaamka, tababaro, iyo dugsiyo la jaanqaadi kara qarnigaan,
  • In la diido ballan-qaadyada madhan ee lagu soo celceliyo waxna laga barto shalay.
  • In la codsado siyaasado cad, qorshayaal waaqici ah, iyo hannaan lagula xisaabtami karo.

Bulshada deegaanka waa inay joojisaa “hor orodka”, waana inay bilaabaan inay qiimeeyaan musharixiinta(xisbigaas) taas oo ku saleysan waxqabad, hindise, iyo aragtida ay ka hayaan waxbarashada.

nmm

3. Xalka macquulka ah ee wakhtigan

Xalka tayada waxbarashada DDS ma aha erayo badan, mana aha mashruucyo muuqaal ah. Xalka waa:

A. In macalinimada laga dhigo boos sharaf leh oo lagu tartamo

  • In mushaharka macalinka laga dhigo mid ku filan nolosha,
  • In la helo guri, daryeel caafimaad, iyo gaadiid,
  • In macalinka loo abuuro xirfad-barasho joogto ah (continuous training),
  • In xulashada macalinka lagu saleeyo aqoon, xirfad, iyo karti, ma aha cid uu yaqaan ama waa bilaa camal.

B. In dugsiyada hoose la dhiso si dhab ah

Waxbarasho wanaagsan dugsiga sare kama bilaabato.
Waxbarasho wanaagsan waxay ka bilaabataa fasalka 1-aad.
Markii la hagaajiyo:

  • Nidaamka,
  • kormeerka,
  • agabka,
  • iyo macalinka fasalada hoose,

C. In la yareeyo fasallada buux-dhaafka ah

Macalin hal maado baraya 3 fasal = tayada ayaa si cad u lumaysa.
Fasalo buux-dhaaf ah oo ardaydu meel ay kala fadhiistaan jirin = waxbarasho aan jirin.

D. In la soo celiyo qiimaha waxbarashada bulshada dhexdeeda

Carruurta, dhalinta deegaanka waa inay helaan:

  • Fasalo ku filan,
  • Macalin ku haboon oo diyaar ah,
  • Nidaam sax ah,
  • iyo fal-safad daacad ah oo aan ku dhisnayn qish iyo buuxinta foomamka.

Gunaanad

Akhristoow, DDS waxay leedahay jiil aad u tiro badan oo rajo leh, maskax leh, awood leh. Laakiin jiilkaas waxaa haysta nidaam waxbarasho oo dhaxal u noqday fashilka siyaasadeed oo dhanka waxbarashada ah oo soo maray gaar ahaan xukuumadda maanta, taas oo sheegata aqoon iyo karti laakiin aan wali keenin wax xeelado cusub ah dhanka waxbarasho.

Haddii macalinku dayacan yahay, ardaygu wuu dayacmayaa.
Haddii ardaygu dayacmo, deegaanka mustaqbal ma leh.

Arintaan waxay ina dhaxalsiisay in warbixinada iyo qiimaynta xukuumada ee dhanka waxbarashada xooga uun lasaaro “waxaan dhisnay intaas oo iskuul, waxaan qalabaynay intaas oo iskuul, iyo isbadalkii kahor ma jirin” Runtii waa arin natiijo la’aan waxay ahayd in la isku qiimeeyo sanadkii hore intaas oo arday ayaa xaadirtay waxbarasho tayo leh dugsiyada(lab & dhadig), waxaana baastay intaas dhibco cel-celis ahaana intaas, sanadkaana waxay ka fiicnaayeen intaas.

Dhamaad

Dhawaan la soco maqaal kale oo aan uuga hadli doono waa sidee xaalada dhabta ah ee biyaha guud ahaan deegaanka soomaalida maadaama qofkasta oo muwaadin ah oo ku sugan meel kamid ah deegaanka soomaalida uu u baahan yahay biyo nadiif ah taasna ay masuul ka tahay dawladu inaga oo wax badan faah-faahin doona oo xaqiiqo(facts) ah

KA

halkan hoose kala soco qaybihii hore

Maxaa Sababay Tayo Xumada Waxbarashada ee DDS? Q-3aad

Maxaa Sababay Tayo Xumada Waxbarashada ee DDS? Q-2aad

Maxaa Sababay Tayo Xumada Waxbarashada ee DDS? Q-1aad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *