3. Sidee loo maamulay ama loo maamulaa mashaariicda biyaha DDS?
Hadii aan si daacad ah u eegno, mashaariicda biyaha ee DDS inta badan uma guuldareystaan sabab dhaqaale darteed, balse waxay u fashilmaan qaabka maamulka oo aad u liita, iyo isla xisaabtan la’aan, iyo hanaanka fulinta oo aad uuga fog cadaalada.
Mashaariic badan ayaa lagu bilaabaa xamaasad iyo sawirro furitaan, balse lama sii raaco:
-
cida masuulka ka ah fulinta, iyo dayactirkaba
-
miisaaniyad hawlgal (operational budget),
-
Iyo nidaam lagu cabiro waxqabadka mashruuca.
Waxaa la arkaa inta badan in ceel ama biyo galin la furo oo xaflad wayn loo sameeyo oo mar-mar ka qaar ayba ku baxdo miisaniyad aan ka yarayn lacagtii ku baxday ceelka in maalintaas wixii ka danbeeya uusan u shaqaynin mashruucu sidii la sheegay ama la rabay in uu usii dhaqeeyo. Badanaa waxaa laga qaadaa gacanta maamulka, waxaana loo daayaa bulsho aan lahayn awood farsamo, dhaqaale iyo sharci toona. Tani waxay keentaa in mashruucaasi noqdo mid cimrigiisu kooban yahay.
4. Sidee Loo bixiyaa Qandaraasyada Biyaha?
Waxaa xaqiiqo ah in aanan marna lagu salaynin bixinta qandaraas si waafaqsan xeerarka qandaraaska ee dalka taas oo marka horaba ka bilaabanaysa silsilada musuqa ee uu wajaho mashruucu, Waxaa jooga xafiiska masuul hebel oo kasoo jeeda dagmo hebel wuxuu rabaa in uu mashruuc hebel uu siiyo adeerkii, saaxiibkii ama sodogii wuu ogyahay in uusan haysanin shati(ama liisan) u dhigma mashruuca uu rabo inuu siiyo, waxa uuse ogyahay in uu si dhib yar u heli karo maantay maadaama ay ka xigto inuu waxogaa lacag ah bixiyo si loogu sameeyo liisanka.
Waxa uu og yahay in uusan shaqadaan qaban karin, masuulkuna waa ogyahay midaas waana nooc ah inoo qaad uun maha mashruuc loogu daneeyo bulshada ama ka turjumaya baahi bulsho oo dhab ah, deetana sida caadada ah mashruucii maba dhaqaaqo mana dhamaado hadii kormeer tagana isla masuulkii unbaa jawaab aan meeshaba oolin sheegi isaga oo odhan “Roobab waawayn oo meesha ka da’ay ayaa lala shaqayn waaya, ama colaado soo noq-noqday oo aan wali la xalinin ayaa hakiyay mashruuca” Hada ogow hebalkii la siiyay mashruuca ma hadlo mana muuqdo lalamana xisaabtami karo oo waakan loo shaqayn ileen waala is og yahaye.
Inta badan mashaaricda xafiiska Biyaha waa sidaas inkasta oo ay kala siman yihiin xafiis-yada kale hadana xafiiskaan oo ahmiyad wayn u leh jiritaanka bulshada ayaan marna sii xamili karin inuu u siishaqeeyo qaabkaas waana sababta inagu kaliftay inaan u qaadano qalinka. Dooda o dhanaysa waala ogyahay arinka laakiin maxaa wax looga qaban la’yahay waa arin wali taagan oo sugaysa cida sida dhabta ah wax uuga qaban lahayd.
-
Qandaraasyo lagu bixiyo xiriir shaqsiyeed halkii lagu bixin lahaa aqoon iyo khibrad.
-
Kormeer la’aan dhab ah inta mashruucu socdo.
-
Warbixinno been ah oo muujinaya in mashruucu shaqaynayo, halka xaqiiqadu ka duwan tahay.
5. Waa Imisa Heerka Daboolka Biyaha DDS?
Inkasta oo warbixino aan run ahayn ay mar-marka qaar sheegaan in heerka daboolka biyaha DDS uu kor u dhaafay 50%, xaqiiqada dhulka taal waa mid aad uga fog tiradaas.
Haddii si cilmiyaysan loo cabiro:
- Tirada ilaha biyaha ee si joogto ah u shaqeeya,
- Tayada biyaha (biyo nadiif ah oo la cabi karo),
- Masaafada ay bulshadu u jirto ilaha biyaha,
- Iyo joogtaynta helidda biyaha xilliyada abaarta,
Inkastoo magaalooyinka waawayn qaar kamid ah laga sameeyay biyo galin 7dii sano ee u danbaysay hadana sida dhabta ah isla magaalooyinkaas si dhab ah uuma wada gaadhin bulshada kunool tusaale aan u soo qaadano Dhagaxbuur oo dhawaan laga xadhig-jaray biyo galinta magaalada, wali 30% oo bulshada ku dhaqan magaalada qaarkood ma gaadhin biyaha qaarkoodna ma helaan biyaha.
Caasimada Jijiga oo ah muraayada deegaanka wax ka yar 40% ayaa hela biyo aan toos ahayn iyada oo la og yahay inta miisaaniyad, wakhti iyo tamar ee ku baxday mashruuca biyo galinta jijiga. Akhristoow waxaad iswaydiin kartaa markaa hadiiba caasimadii ay sidaas tahay siday noqon karaan Qarjajabo, Qaloocan iyo Qodaxle.
heerka dhabta ah ee daboolka biyaha DDS ee wakhtigaan waa mid aad uuga hooseeya 30% guud ahaan deegaanka
Bulsho badan:
-
Waxay biyaha helaan maalmo kooban,
-
Ama waxay ku tiirsan yihiin ceelal aan la hubin tayadooda,
-
Ama waxay biyo ka qaataan goobo iyaga iyo xooluhu wadaagaan, taas oo halis ku ah caafimaadkooda.
6. Maxaa Xalka Ah Xilligan?
La soco qormada xigta taas oo aan uuga hadli doono Xalka ugu macquulsan anaga oo u soo bandhigi doona si cilmiyaysan taas oo aan rajaynayno in ay gashi fiican u noqon doonto guud ahaan maamulka gaar ahaan xafiiskan ay khusayso.
KA


One Comment on “Waa Sidee Xaalada Dhabta Ah Dhinaca Biyaha Ee DDS? Q-3aad”