10 Cashar oo Muhiim u ah Nolosha 

cashar

Nolosha markaad yar tahay waxay kuu muuqataa shaashad farxad iyo xiiso aan dhammaanayn. Laakiin markaad soo korto, waxaad ogaanaysaa in noloshu leedahay casharro qoto dheer oo qofka dhisaysa, ilaalinaysa, una diyaarinaysa mustaqbal fiican.

Halkan waxaan ku soo bandhigayaa toban cashar oo nololeed oo qof walba ka caawin kara koritaan shaqsiyadeed, maskax wanaagsan, iyo furitaanka fursado cusub.

1. Baro inaad fahanto dadka adigoon ereyo ka sugin

Dadka badanaa waxaa kaaga muuqda ficiladooda iyo luuqada jirkooda. Hadalku waa muhiim, laakiin ficilka ayaa hadalka ka miisaan badan.
Baro inaad akhrido calaamadaha dadka ay bixinayaan, adigoo eegaya sida ay kuu dhaqmaan, sida ay kuu eegaan, iyo sida ay u falgalaan marka aad la joogto.

2. Baro inaad wax u qabato naftaada

Dadka oo dhan kuguma raaci doonaan fikradahaaga, mararka qaarna saamayn kuma yeelan doonaan waxa aad jeceshahay taas badalkeeda laakiin hadii waxa aad samaynayso ay kuu keenayaan farxad, ra’yigoodu yuusan noqonin mid xad kuu yeela. Noloshaada adiga ayaa masuul ka ah haday fiican tahay iyo haday aysan wanaagsanaynba waana adiga qofka masuulka ka ah.

Inaad qaadato masuuliyada noloshaada waaba albaabka koobaad ee najaaxa ama guusha nolosha waxaana fiican inaad fahanto inta aad yartahay, maalinka aad fahanto ayaadna cagta saartay wadada guusha.

3. Noqo qof fur-furan oo isku daya wax cusub

Qofka fur-furan ee aqbala fikiro kala duwan waa qof koraya waana qofka ay tahay inaad adiguna ahaato.
Isku day wax cusub, qaado halis macquul ah, u fur-fur naaw safar cusub iyo khibrado kala duwan.
Inta aad u furantahay nolosha, ayay farxadaaduna koraysaa.

4. Baro inaad codkaaga adeegsato

Waligaa ogow haddii aadan adiga is difaacin, cid kalena marna kuma difaaci doonto.
Adeegso codkaaga si aad u sheegto waxa aad u baahan tahay, sida aad dareemayso, iyo waxa aanad jeclayn.
Laakiin samee adigoo si xushmad leh, deggan, oo geesinimo ke dheehantahay.

5. Xuduudahaagu ha noqdaan kuwa xooggan

Mararka qaar waa muhiim in aad xeer u jajabiso naftaada oo aad u ogolaato inaad ku raaxaysato nolosha.
Laakiin sidoo kale waa muhiim inaad dhisato xuduud kuu gaar ah oo kuu suurogelinaya inaad barato waxa aad xamili karto iyo waxa aad diidi karto.

6. Kalsooni ku qab in aad go’aan sax ah qaadan karto

Qof walba waxa uu ka baqaa go’aamada waaweyn marka hore waana wax iska dabiici ah waana la bartaa.
Laakiin kalsoonida dhabta ahi waxay timaadaa markaad go’aan qaadato, khaladna ka barato. Go’aan kasta oo aad qaadato waa uun mid guul kuu dhaweeya iyo mid khibrad aad ka dhaxasho.

Adiga weeye qofka naftaada ugu aqoonta badan, sidaa darteed naftaada ku kalsoonow.

7. Baro sida loo dhageysto dadka si faham ku jiro

Dadka badankoodu waxay u dhageystaan si ay uga jawaabaan, ma aha si ay u fahmaan taasna waa arin saamayn taban kuu keeni karta. Haddii aad rabto xiriir wanaagsan, shaqo fiican, iyo natiijooyin wanaagsan, baro inaad u dhageysato si aad u fahanto dadka, u xaliso dhibaatooyinka, una dhisto xiriir wanaagsan oo caafimaad leh.

8. Ixtiraam Nidaamka

Xoriyaddu waa muhiim, laakiin ixtiraamka nidaamka iyo masuuliyiinta sidoo kale waa muhiim.
Waxbaro sida loo ilaaliyo isku dheelitirnaanta  noqo qof xor ah, laakiin ixtiraama sharciyada iyo nidaamka marka loo baahdo. waana arin adigana ku ilaalinaysa waxbadan oo dhibaato keeni karana kaa dheeraynaysa

9. Ha ka cararin caqabadaha

Caqabadaha waa qodobbada ugu muhiimsan ee qofka u horseeda koritaan iyo karti.
Marka aad wajahdo dhibaatada, waxaad baranaysaa adkaysi, hal-abuur, iyo xalinta dhibaatooyinka.
Caqabadaha waa buundooyinka guusha.

10. Naftaada ha qiimo tirin 

Hadii qof kale kaa fiican yahay, taasi macnaheedu maaha in adiga aanad wax wanaagsan qaban karin.
Dunidu waxay u baahan tahay dadka leh himilo, ujeeddo, iyo qalbi wanaagsan, ma aha kuwa kaliya tartanka jecel.
Haddii aad hesho waxa aad jeceshahay, samee si daacad ah oo joogto ah taas ayaana kaa dhigi doonta mid loo baahan yahay oo aanan sina looga maarmin.

Qofkasta haqabto shaqadiisa hana joogo meesha uu rabo, laakiin adiga masuuliyadaada waa in naftaada aad u horseedo guulo waawayn taas oo natiijada qofkasta oo kale uu hamiyo inuu ahaado adiga oo kale.

Gunaanad

Noloshu waxay na bartaa maalin kasta. Qofka guulaysta waa kan fahma in koritaanka uu ka yimaado faham, sabir, geesinimo, isbadal, iyo ujeeddo cad.


Xagaan hadaan soo gaadhay inala wadaag qodobka aad sida wayn uga faa’iiday?

KA

One Comment on “10 Cashar oo Muhiim u ah Nolosha ”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *