3 Arimood Oo Hadii Aad Fahanto Noloshaadu Isbadalayso

Arimood Oo Hadii Aad Fahanto Noloshaadu Isbadalayso

Nolosha qof walba waxaa ku jira riyooyin, himilooyin iyo yoolal waaweyn, balse dad yar ayaa si dhab ah u gaadha. Farqiga u dhexeeya kuwa guulaysta iyo kuwa ku haray halkii ay joogeen ama ku riyoonayeen ma aha nasiib ama caqli gaar ah, balse waa fahamka arimo xaasaasi ah oo nolosha badala marka si qoto dheer loo fahmo ama loo garto.

Qormadan waxaan ku iftiiminaynaa 3 arimood oo hadii aad fahanto, noloshaadu si buuxda isu badalaysa, kana dhigaya qof leh jihayn, adkaysi iyo himilo cad.

1. Adiga Ayaa Mas’uul Ka Ah Noloshaada, Qof Kale Maaha

Arinta ugu horeysa ee noloshaada badalaysa waa marka aad si dhab ah u fahanto in mas’uuliyadda noloshaada ay 100% adiga gacmahaaga ku jirto. Maalinka ama wakhtiga aad midaas fahanto ayaadna si dhab ah u bilowday jidkaaga horumarka, guusha iyo farxadaba.

Dad badan waxay ku mashquulsan yihiin eedaynta duruufaha, bulshada, qoyska, ama maamulka xukuumada. iyaga oo dhaha sida “walaal fiican baanan lahayn, adeerkay ayaa ihagranaya, Hadii aabahay i fahmi lahaa, hadii meel uun la igu qori lahaa, wasiirka ayaa igu taagan, ama inaadeerkay ayaa gacan adag”. Inkasta oo arrimahaasi saamayn leeyihiin, hadana fahamka dhabta ah waa in aad adigu tahay qofka go’aaminaya jihada aad u socoto, islamarkaana hadii aad guulaysan ama guul daraysan adiga uun ay kugu xidhan tahay.

Marka aad fahanto in guushaada iyo guul-darradaaduba ay ka bilaabmaan go’aamada aad qaadato, waxaad joojinaysaa cabashada, waxaadna bilaabaysaa ficil. Qofka leh “aniga ayaa wax ka badali kara xaaladayda” wuxuu helayaa awood maskaxeed oo ka weyn mida qofka sugaya in gar-gaar uu dibadda uuga yimaado.

2. Isbadalku Ma Dhaco Hal Mar, Waa Geedi-socod

Arinta labaad ee muhiimka ah waa fahamka in isbadalka nolosha uusan ahayn hal talaabo oo deg-deg ah, balse uu yahay geedi-socod u baahan samir, joogteyn iyo adkaysi. Dad badan ayaa quusta marka ay natiijo deg-deg ah waayaan, iyagoo aan fahmin in guul kasta oo waarta ay ku timaaddo talaabooyin yar-yar oo is daba joog ah oo aan marna la joojinin samayntooda xaaladkasta oo jirta.

Haddii aad rabto inaad naftaada horumariso, xirfad barato, ama nolol ka wanaagsan tan aad hada ku jirto gaarto, waa inaad diyaar u noqotaa:

  • inaad khaladaad sameyso,

  • inaad dib u dhac la kulanto,

  • iyo inaad mararka qaar daasho ama kufto

Laakiin fahamka ah in dhamaan arrimahaasi ay qayb ka yihiin safarka guusha ayaa kaa ilaalinaya quus iyo niyad jab. Qofka fahma in maanta inta yar uu ka bilaabo uu bari wax weyn gaadhi karo, noloshiisu si tartiib ah ayey isu badashaa waxaana la arkaa isaga oo natiijooyin waawayn xaqiijiyay wakhti aan fogayn.

Fahamka ayaana ah furaha ficilka, hadii aad maanta 10 daqiiqo kaliya aad buug akhrido ama aad jimicsi samayso ama aad xili ka horaysa xiligii aad hurdada kasoo kici jirtay kasoo kacdo marka la eego hal maalin wax wayn ma aha laakiin markay is biirsadaan maalmo badan runtii waa natiijo aad u wayn waxaana kaliya fahmi kara qofka sameeyay.

3. Badal Maskaxdaada Waxaad Badali Noloshaada

Arinta sadexaad ee nolosha badasha waa fahamka ah in isbadalka dhabta ahi uu ka bilaabmo maskaxda, ka hor inta uusan ka muuqan nolol ahaan. Sida aad u fikirto ayaa go’aamisa sida aad u noolaato. Haddii aad naftaada u aragto qof tabar yar, fursad la’aan ah, ama guul u qalmin, noloshaaduna sidaas ayey noqon doontaa.

Laakiin taas badalkeeda marka aad si dhab ah u badasho aragtidaa iyo fikirkaaga adiga oo u fikiraya qaab wanaagsan adiga oo naftaada aanan cidkale la bar-bardhigaynin islamarkaana fiirinaya awoodaha qariibka ah ee uu RABBI swt kugu arsaaqay. Markaa waxaad naftaada ku tababaraysaa:

  • kalsooni,

  • fikir togan,

  • iyo rumaysnaanta in aad wax gaadhi karto,

wax walba way is badalaan waana arin dabiici ah. Dad badan oo guulaystay maysan ahayn kuwo duruufo fiican ku bilowday, balse waxay lahaayeen maskax aan quusan.

Fahamkani waa furaha dhiirigelinta dhabta ah, horumarka nafta, iyo guusha mustaqbalka.

Gunaanad

Haddii aad si dhab ah u fahanto sadexdan arimood  mas’uuliyadda naftaada, geedi-socodka isbadalka, iyo awoodda maskaxdaada  noloshaadu ma ahaan doonto sidii hore. Waxaad ka bixi doontaa wareerka, sugitaanka iyo cabashooyinka, waxaadna geli doontaa wado cad oo horumar iyo yididiilo leh.

Isbeddelku ma bilaabmo sanadka cusub ama bari lakiin wuxuu bilaabmaa markii aad fahanto. Adiguna maanta ayaad bilaabi kartaa.

KA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *