Nolosha mararka qaar waxay inoo soo dirtaa fariimo aamusnaan ah, fariimo tilmaamaya in aan wax walba ka duwanaadaan sidii hore ee aynu u noolayn. Qaar badan oo inaga mid ah waxay ku sii jiraan wareeg aan horumar lahayn, daal joogto ah, iyo jahawareer gudaha ah laakiin taas badalkeeda si dhab ah uma fahmaan in noloshoodu u baahan tahay dib u habayn, (life reset, ama mindset shift).
Haddii aad muddo dareemaysay culays, ama aad la yaaban tahay sababta nolol maalmeedkaagu uusan kuu farxad galinin, calaamadahan hoose ee saddexda(3) ah ayaa kuu noqon kara iftiin kuu tilmaamaya halka uu isbadalku ka bilaaban karo.
1. Daal Joogto ah Xataa Haddii Aadan Shaqo Badan Qabanin
Daalka noocan ahi ma aha mid jidheed oo keliya. Waa daal maskaxeed oo ka dhasha:
-
Nolosha aad ku nooshahay adigoon ku faraxsanayn
-
Shaqo aan micno kuu samayn
-
Himilooyin kaa lumay
-
Maskax mashquulsan oo aan helin nasasho ku filan
Xalka:
- Samee jadwal degan oo aad ku nasato (mental detox)
- Ka fogow dadka maskaxda kaa daalinaya (energy drainers)
- U qaybi waqtigaaga shaqo, nasasho, iyo waxbarasho
- Garo Hiwaayadaada iyo waxa ku farxad galinaya (passion reactivation)
2. Shalay iyo Maanta waa isugu kaa Mid
Haddii maalintaada, todobaadkaaga, Bishaada, iyo xataa sanadkaaga ay noqdeen isku mid oo aan waxba ku kala duwanayn kaliya wakhtiga isbadalaya uun ay tahay taasi waa calaamad muujinaysa in aad ku jirto wareeg aan horumar lahayn islamarkaana aad si dhakhso ah uugu baahan tahay inaad isbadal u samayso.
Xalka:
- Baro xirfad cusub bishiiba hal mar (skill development)
- Ku dar noloshaada wax horumariya: akhris, koorsooyin, tababaro
- Samee liis todobaadle ah oo yoolal yar yar (productive habits)
- Ka bax ama ka fogow aagaaga raaxada (comfort zone)
3. Waxaad Ku Nooshahay Nolol Khayaali ah
Tani waa mida ugu khatarta badan dhamaan sadexda calaamadoodbe waana mid aad u halis badan oo keeni karta in dhamaan aad bur-burto maskax ahaan, hadii aad si wayn u qabatintana kuu horseedi karta meel aadan kasoo waaqsan karin .
Mararka qaar qofku wuxuu ku noolyahay nolol:
- uu dadka kale ku qancinayo
- uu sameeyo wax aanu jecleyn
- uu ka tago baahidiisa iyo rabitaankiisa dabiiciga ah
- uu dhaawaco himiladiisa iyo mustaqbalkiisa
Xalka:
- Dib u qor waxa adiga kuu muhiim ah (your personal values)
- Go’aamada noloshaada waa inaad adigu iska leedahay
- Haddii shaqadu aysan kuu shaqayn bedel
- Joogtee waxyaabaha kuu keenaya farxad iyo tamar (energizers)
Gunaanad:
Markaad Aragtid Calaamadahan, Noloshaadu Waxay Kuu Sheegaysaa in Isbadal ay u baahan tahay.
Nolol aan la hagaajinin islamarkaana aan dadaal iyo fikir joogto ah la galinin waxay ku horseedaa:
- daal
- niyad jab
- wareeg aan horumar lahayn
- riyooyinka oo luma
Laakiin markaad si cad u aragto calaamadahan, waxaad bilaabaysaa marxalada ugu muhiimsan ee nolosha:
taas oo isbadalka shaqsiga ah (Personal transformation)
Noloshu mar walba waxay ku siisaa fariimo, laakiin adiga ayaa go’aansanaya inaad dhageysato iyo inaad iska indho tirto. Haddii aad rabto nolol cusub, waa in aad marka hore is beddeshaa. islamarkaana isla hada bilowdaa safarka isbadalka.
KA


