Qaybta 2-aad
Halkee Ayuu ka jiraa Fashilka ugu badan maxaase u sabab ah?
Waxbarashadu waa laf-dhabarta horumarka ummad kasta. Waxay dhistaa mustaqbal, waxay kobcisaa dhaqaale, waxayna sii abuurtaa jiil maskax ahaan u diyaarsan in ay wax badan soo kordhiyaan noloshana macne u sameeyaan. Laakiin Deegaanka Soomaalida (DDS) maanta waxa uu wajahayaa xaalad ka fog riyadaas. Inkasta oo ay jiraan islamarkaana ay muuqdaan isbadalo ka dhacay dhinacyada kale, hadana wali tayada waxbarashadu waxay maanta wali maraysaa heerkii ugu hooseeyay. Arinta argagaxa leh ee igu kaliftay inaan qalinka u qaato ayaa ah in aysan jirin ifafaalo ama rajo ka badalan midaas mustaqbalka dhow.
Waxaanan wali isqabadsiin la’ahay ka muwaadin ahaan akhristoow in maamulka xukuumada hada joogta oo inta badan sheegata in ay yihiin maamulkii ugu waayo aragsanaa, ugu aqoonta badnaa islamarkaana ugu muwaadin sanaa ee soo mara xafiiska in aysan wali la imaanin xeelado dhab ah oo wax looga qabanaayo arintaan.
Waxaa la arkaa iyaga oo inta badan soo jeedinaya warbixino aan waxba ka duwanayn maamulkii hore sida waxaa la qabtay sidaan:
- Waxaa la dhisay intaas oo iskuul isbadalkii kadib
- waxaa la qalabeeyay intaas oo iskuul isabadalkii kadib
Taas qof walba waa u qaban karay si lamid ah waa wax cid walba ay sheegi karto laakiin ugu yaraan qof wax bartay waxaa laga filayay in uu curin la yimaado kabadalan wixii soo jiray islamarkaana si dhab ah aan ku celiyo si dhab ah wax uuga badalaysa nidaamka baris-barasho ee deegaanka soomaaida.
Maxaa la filayay
Shacabka Deegaanka soomaalida badankood waxay filayeen in xukuumadda ay keeni doonto:
- manhaj casri ah oo la jaanqaadaya waaqica
- qorshe fog oo lagu tayaynayo macallimiinta
- nidaam ilaalinaya tayada dugsiyada hoose iyo sare
- iyo in la abuuro jawi waxbarasho oo u diyaarsan jiilka maanta.
Laakiin waxa wali muuqata in xeelad waxbarasho oo matasha aqoonta aan la keenin. Badalkiila dhisi lahaa saldhig waxbarashada hoose oo kasoo bilaabmaysa dugsiyada hoose waxaadna arkaysaa in xooga waxa la saaray hal arrin oo kaliya taas oo warbinada xukuumada ee dhanka xafiiska waxbarashada ugu wayni ay tahay
“Waxaan la dagaalanay islamarkaana aan joojinay Qishkii“
Aan su’aal kuwaydiiyo akhristoow ardayga u fadhiisanaya imtixaanka 10-aad ka ah ama 12-aad ka ah ee 8 sano kadib u fadhiisanaya imtaxaanka waa kuma? Waa ardaygii aan helin nidaam waxbarasho oo tayo leh socdaalkiisii waxbarasho ilaa dugsi hoose-dhaxe. iskuulkana kama bilowdo kaliya 10-aad ama 12-aad.
Waa xaqiiqo waana run in qish joojintu ay tahay arrin wanaagsan, laakiin waa mid aan waxba micno u lahayn haddii ardaygu uusan weligii helin tayadii waxbarashada ee uu u baahnaa intii uu ka soo socday fasallada hoose.
Maxaa faa’iido leh in la joojiyo qishka 12aad, haddii ardayga imaanaya uu yahay:
- mid aan si fiican u akhrin karin,
- mid aan xisaab fahmi karin,
- mid aan lahayn xirfad qoraal,
- mid aan waligiis helin macallin tayo leh,
-
mid aan helin manhaj ku haboon?
Markii xaga hoose uu dayac farabadan ka jiro, dusha sare wax is badal ah ama saamayn togon ah kama jirayaan.
Xaqiiqdu maxay tahay marka
1. Waa sidee Xaalada Dugsiyada
Waxaan ognahay in deegaankeenu uu ka kooban yahay in kabadan 95 dagmo ma aqaano inta ay noqdeen ka dib qaab dhismeedkii cusbaa ee dhawaan la ansixiyay. Meelkasta oo uu ku noolyahay muwaadin soomaaliyeed oo u dhashay deegaanka meelkasta ha noqotee wuxuu u baahan yahay adeeg waxbarasho taasna xukuumada ayaa masuul ka ah. Waxaan aniga in dhahayga ku arkay meelo banaanka wax loogu dhigayo caruurta, meelo kale oo aan u qalmin in wax lagu barto, xataa waxaa jira meelo badan oo dhismayaashii dugsiyada siyaabo kale loo badalay oo loo adeegsado.
Arday meelahaas wax loogusoo mal-maluuqay oo reerkoodu magaalada u soo guureen ama isaga kaliya ahi uu yimid, ayaa dugsiga magaalada lagayni fasalada dhexe kadibna sanadka danbe waxaa loo buuxini foomla 8aad ka hadana sanadka ku xiga foomka 10aad ka teedana qish ayuu kusoo wada baasi deetana waa caadadiisee sanadka ku xigana waakan 12-aad ah, deetana jaamacada ayaa imtixaan lagaga qaadi waa isla ardaygii e dee wakhtiga unbaa ku badan oo yaa meesha kaa saara uun buu is dhihi. Sida iska cad natiijada waa “ZERO” Waa uun tusaale waaqici ah waana sida ay u badan yihiin dhalinteenu maantay. yaa masuul ka ah?

Waxaan kaga hadli doonaa Qaybta-3aad
- Wa sidee xaalada dhabta ah ee macalinka dhiga dugsiyada hoose dhexe?
- Macalinka ma helaa xaquuqihiisa?
- Wa ayo cida qaadanaya masuuliyada dhabta ah ee tayo xumada waxbarasha DDS?
- Xalka ay inala tahay in lagu bad-baadin karo mustaqbalka dhaw.
KA
hoos ka akhri qaybtii 1aad

2 Comments on “Maxaa Sababay Tayo Xumada Waxbarashada ee DDS? Q-2aad”