Sababta Aad Mar Walba Lacag La’aan U Tahay Iyo Sida Loo Xalliyo

luck of money

Dad badan waxay dareemaan in lacagtu aysan waligeed ku filnayn.  Xitaa marka ay shaqeeyaan, marka mushahar soo galo, muddo gaaban kadib waxay mar kale ku noqdaan xaalad lacag la’aan ah.

Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso:
“Maxaan mar walba lacag u waayaa?” ama “Maxaa iga khaldan?”

Xaqiiqdu waxay tahay in dhibaatadu aysan mar walba ahayn mushaharkaaga ama fursadaha aad haysato, balse ay inta badan ku xiran tahay habka aad u fikirto iyo sida aad u maamusho lacagta.

Maqaalkan waxaan si qoto dheer uga hadli doonaa sababaha ugu waaweyn ee dadka ka dhiga inay mar walba lacag la’aan noqdaan, iyo sida aad si dhab ah uga bixi karto xaaladaan.

1. Qorshe La’aan Dhaqaale

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee lacag la’aantu u dhacdo waa qorshe la’aan.

Dad badan waxay helaan lacag, laakiin ma laha wax qorshe qoran ah oo ay ku maamulaan.

Waxay bilaabaan:

  • kharash aan la xakameyn
  • wax iibsi aan muhiim ahayn
  • iyo isticmaal lacag aan la qorsheyn

Waxaa la arkaa in marka lacagtu ay timaado iyada oo aan qorshe cad jirin, in ay si fudud u baxdo ama u dhamaato.

Sida Loo Xalliyo:

Samee qorshe fudud:

  • Qor dakhligaaga
  • Qor kharashaadkaaga
  • U kala saar muhiim iyo aan muhiim ahayn

Marka aad qorshe yeelato, lacagtu waxay bilaabaysaa inay ku sii jirto maamulkaaga ama gacantaada.

2. Kharashka Aan Loo Baahnayn

Dadka maanta waxay si fudud ugu lumiyaan lacagta waxyaabo aan muhiim ahayn.

Tusaale:

  • iibsasho degdeg ah
  • waxyaabo social media lagu arko
  • raaxo aan loo baahnayn
  • Inaan u iibsato kaliya waan rabaa

Dhibaatadu ma aha inaad wax iibsato, balse waa inaad iibsato wax ka badan waxa aad u baahan tahay.

Sida Loo Xalliyo:

Ka hor intaadan wax iibsan is weydii:
“Ma u baahanahay mise waan rabaa kaliya?”

Su’aashan yar ayaa beddeli karta noloshaada dhaqaale.

Inta aadan waxyaabaha aad u baahan tahay gadanin wakhti yar qaado sida 3 saac, 5 saac, 12 saac ama maalin. Kadib hadii aad wali rabto iibso hadii kalena adiga ayaaba iska dayn doona markaas.

3. Dakhliga Hal Meel Ka Yimaada

Haddii aad ku tiirsan tahay hal il dakhli, waxaad si toos ah ugu jirtaa khatar dhaqaale.

Haddii shaqadaadu ay istaagto, lacagtaada oo dhan way istaagaysaa.

Tani waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dadka mar walba lacag la’aan u noqdaan.

Sida Loo Xalliyo:

Isku day inaad abuurto ilo dakhli oo dheeraad ah:

  • xirfad online ah
  • Shaqooyinka freelancing ah
  • ganacsi yar

Xitaa dakhli yar oo labaad ah ayaa sameyn kara farqi weyn.

4. Fikir Khaldan Oo Ku Saabsan Lacagta

Fikirkaaga ku saabsan lacagta ayaa si toos ah u saameeya xaaladdaada dhaqaale.

Haddii aad aamminsan tahay:

  • “Lacagtu waa adag tahay”
  • “Anigu ma horumari karo”
  • “Lacag badan ma heli karo”

Markaas maskaxdaadu waxay xaqiijinaysaa fikirkaas.

Laakiin haddii aad u aragto lacagta wax la abuuri karo, waxaad bilaabaysaa inaad aragto ma raadiso fursado cusub.

Sida Loo Xalliyo:

Badal fikirkaaga:

  • Ka fikir sida loo abuuro islamarkaana qiimee
  • Ka fikir fursado cusub
  • Ka baro dadka guuleystay

5. Aqoonta Maaliyadeed Oo Yar

Dad badan ma fahmaan sida lacagtu u shaqeyso.

Ma yaqaaniin:

  • Kaydsiga(Saving)
  • Miisaaniyada(Budget)
  • Maal gashiga (Investing)

Haddii aadan fahmin aasaaska lacagta, way adkaanaysaa inaad horumar sameyso.

Sida Loo Xalliyo:

Bilow inaad barato:

  • sida lacag loo kaydsado
  • sida loo qorsheeyo kharashka
  • sida xirfado loo barto islamarkaana lacag loogu kasbado

Aqoontu waa furaha dhaqaale.

6. Dib U Dhigis Joogto Ah

Dad badan waxay yiraahdaan:

  • “Berri ayaan bilaabayaa kaydinta ama inaan wax kaydsado”
  • “Markaan lacag helo ayaan qorshe sameynayaa”

Laakiin beri waligeed ma imaan doonto hadaadan maanta adeegsanin.

Dib u dhigistu waxay ka dhigtaa qofka mid mar walba dib u dhac ku jira.

Sida Loo Xalliyo:

Bilow maanta, xitaa haddii ay tahay talaabo yar. Sida inaad fahanto qoraalkaan oo kaliya.

7. Ku Noolaanshaha Nolol Ka Weyn Dakhliga

Mid ka mid ah khaladaadka ugu weyn islamarkaana kuu horseeda inaad lacag la’aan ahaato waa inaad kharash gareyso lacag ka badan inta aad hesho.

Dad badan waxay rabaan inay u noolaadaan sida dadka lacagta badan leh, xitaa hadii aysan awoodin taas ayaana kaa dhigaysa ama kaa dhigi doonta mid aan haysanin lacag ku filan markasta.

Sida Loo Xalliyo:
  • Ku noolaaw heerka dakhligaaga
  • Yaree kharashaadka aan muhiimka ahayn
  • Mudnaanta sii saving

luck of money plan

Gunaanad

Lacag la’aanta joogtada ah ma aha nasiib xumo, balse waa natiijo ka dhalata:

  • qorshe la’aan
  • kharash aan xad lahayn
  • fikir khaldan
  • iyo aqoon la’aan maaliyadeed

Haddii aad rabto inaad ka baxdo xaaladdan, waa inaad marka hore beddeshaa sida aad u fikirto, kadibna aad beddeshaa sida aad u dhaqanto.

Xasuusnow:

Lacagtu ma baxdo mana dhamaato, waase sida aad u maamusho oo kaliya.

Hadii maqalkani wax uun kaa caawiyay, la wadaag qof kale oo u baahan inuu fahmo lacagta si sax ah.

Hoos nagula wadaag qodobka aad isleedahay wuu i saameeyay.


Booqo Dhabti.com si aad u hesho maqaalal dhiirigelin iyo horumar nafeed ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *