Markii aan yaraa, waxaan u haystay in noloshu tahay safar farxad iyo raynrayn uun ka kooban. Waxaan moodayay in wax walba ay fudud yihiin, qof kastana uu ku nool yahay sida uu rabo. Laakiin markii aan gaadhay da’da 21 sano, waxaan fahmay in noloshu ay ka qoto dheer tahay sidaas.
Waxaan bartay in noloshu u baahan tahay faham, edeb, go’aan qaadasho, iyo is-ixtiraam. Waxaa jira casharro qofku u baahan yahay inuu barto si uu naftiisa u ilaaliyo, u horumariyo, uguna noolaado si sharaf leh.
Halkan hoose waxaan kugula wadaagayaa 10 cashar nololeed oo aniga noloshayda si weyn u beddelay.
1. Baro inaad fahanto waxa dadku kuu sheegayaan.
Mararka qaar dadka waxay kuu sheegaan waxa ay kaa aaminsan yihiin adigoon hal eray maqlin. Dabeecaddooda, dhaqankooda, iyo sida ay kuu wajahaan ayaa ka hadla dareenkooda dhabta ah. Erayadu waa muhiim, laakiin ficilku waa ka xoog badan yahay.
👉 Baro inaad maqasho waxa aan la oran balse ficil ahaan ama dareen ahaan laguugu muujinayo.
2. Baro inaad naftaada wax u qabato
Dadka oo dhan kuguma raaci doonaan. Qaar ma jeclaan doonaan waxa aad sameyso. Laakiin haddii waxa aad sameyneyso uu ku farxad gelinayo, ra’yigooda ha noqon mid ku joojiya.
Noloshaada adigaa masuul ka ah.
3. Noqo qof furan oo dabacsan
Maskax furan waa furaha farxad. Mararka qaar khatar qaad. Tijaabi wax cusub. Baro wax aadan horay u aqoon. Marka aad qalbigaaga iyo maskaxdaada u furto waayo-aragnimo cusub, noloshaadu way ballaaranaysaa.
4. Baro inaad naftaada u hadasho
Adigu cod baad leedahay – isticmaal. Ha aamusin marka lagaa gardarroodo. Ha qarin fikirkaaga marka aad xaq u leedahay inaad sheegto. Codkaaga u isticmaal inaad naftaada dhisto, dadka kalena aad ku caawiso.
Laakiin hadalkaaga ha noqdo mid edeb leh, xushmad leh, oo xikmad ku dheehan.
5. Ka gudub xuduudahaaga
Mararka qaar waa inaad jebisaa caadadaada. Waa inaad ka baxdaa waxa aad ku baratay. Xeerarka qaarkood waa wanaagsan yihiin, laakiin mararka qaar jebintooda ayaa kuu horseedda koritaan.
Haddii aadan marna is tijaabin, ma ogaan kartid inta aad gaari karto.
6. Ku kalsoonow naftaada
Go’aan qaadashadu mar walba ma fududa. Aniga nafteyda, markii aan 20 sano jir noqday, waxaan ka baqi jiray inaan go’aan qaato. Waxaan ka baqi jiray qalad.
Laakiin waqti kadib waxaan bartay in qofna uusan iga garanaynin nafteyda sida aan anigu u garanayo. Ma aha in aan mar walba sax noqdo, balse waa in aan ku kalsoonaadaa nafteyda.
Inta aan iska aqaano ma jirto cid kale oo iga taqaana meesha iyo halka aan isla rabana ma jirto cidkale oo ila rabtaa.
7. Baro dhegeysi dhab ah
Dad badan waxay dhageystaan si ay uga jawaabaan, ma aha si ay u fahmaan. Dhegeysigu waa xirfad. Waa inaad maqashaa qofka, fahantaa, una tixgelisaa dareenkiisa.
Dhegeysi dhab ah wuxuu abuuraa xiriir, faham, iyo kalsooni.
8. Ixtiraam maamulka iyo nidaamka
Inkastoo aan ahay qof jecel xorriyadda, haddana waxaan bartay in ixtiraamka nidaamka iyo maamulka uu muhiim yahay. Qof ma noqon karo hoggaan wanaagsan haddii uusan horay u baranin tixgelinta, iyo u hoggaansamida.
Markastana waxaa fiican in xorriyada iyo nidaamka in la isku dheellitiraa.
9. Aqbal caqabadaha
Ha ka cararin dhibaatada. Dhibaato kasta waxay leedahay cashar. Maalintii aan go’aansaday inaan wajaho caqabadaha halkii aan ka carari lahaa, nolosheydu way is beddeshay. Si lamid ah ayay isku badali kartaa hadii aad wajahdo adiguna maantay.
Wajahida caqabaduhu waa albaabka horumarka iyo nolol barwaaqo ah.
10. Waligaa Hoos Ha U Dhigin Naftaada
Ha joojin riyadaada kaliya sababtoo ah qof kale ayaa kaa horreeya. Waligaa cid kale ha bar-bar dhigin naftaada RABBI swt qof walba wuxuu siiyay karti gaar ah. Waxaa laga yaabaa inaadan noqon kan ugu fiican wax walba, laakiin waxaad ku fiican tahay wax gaar ah.
Halkan ka akhri sida ugu fudud ee aad ku ogaan karto hibadaada gaarka ah
Raadi waxa aad jeceshahay. Ku dadaal. Ku adkeyso.
Dunidu uma baahna dad kaliya tartama. Waxay u baahan tahay dad leh himilo, anshax, iyo ujeeddo cad.
Gunaanad
Noloshu ma aha mid ku dhisan nasiib kaliya. Waa mid ku dhisan faham, go’aan, iyo isbeddel joogto ah. Casharradan nololeed ma ahan kuwo buug laga akhriyay, balse waa kuwo laga bartay waayo-aragnimo, qalad, iyo barasho.
Haddii aad rabto nolol wanaagsan, waa inaad marka hore barato naftaada, kadibna aad dhistaa mustaqbalkaaga.
KA


