Qodobka 1aad
Sida Qaandaraaska Loo Bixiyo Iyo Cidda Loo Dhiibo
Deegaanka Soomaalida muddo dheer waxaa ka socday mashaariic horumarineed oo kala duwan sida biyo, waxbarasho, waddooyin, caafimaad, iyo kaabeyaasha kale ee nolosha. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqada jirta ayaa ah in ka badan 65% mashaariicdaas ay fashilmaan ama aanay gaarin ujeedkii loo bilaabay ama loo qoondeeyay.
Su’aasha ugu weyn ee isweydiinta mudan waa
Maxaa dhab ahaan sababa fashilka joogtada ah ee mashaariicda Deegaanka Soomaalida gaar ahaan kuwa laga fuliyo Gobolada iyo dagmooyinka ka fog caasimada DDS?
Qodobkan koowaad ee taxanahan, waxaan si qoto dheer u falanqaynaynaa qaabka qaandaraaska loo bixiyo, cidda la siiyo, iyo sida arrintaasi u noqotay saldhigga fashilka mashruuca xitaa kahor inta uusan bilaaban.
Qaandaraas Lagu Saleeyo Dan Gaar Ah Halkii Lagu Eegi Lahaa Tayada Mashruuca
Marka mashruuc laga hirgelinayo Deegaanka Soomaalida, talaabada ugu horreysa waa bixinta Shatiga Ganacsi ee shirkadaha kala duwan ee dhismayaasha, iibka iyo waxii lamid ah. Su’aashu waa sidee lagu bixiyaa shatiga ganacsi ee Deegaanka Soomaalida?. Ma jiraan shuruudo si dhab ah loo raaco oo lagu bixiyo shatiyada ganacsi ee heerar kooda kala duwan. Waa xaqiiqo midaasi waxaa jira shuruudo magac u yaal ah oo darbiyada xafiiska ku dhajisan oo la tuso uun kaliya ruuxa aanan cidna aqoonin ama lacag uu isku furdaamiyo haysanin.
Aan hoos u daadago akhristoow, shatiga ganacsiga waxaa la qaataa ama la cusboonaysiistaa gudaha Deegaanka Soomaalida kaliya marka aad balan-qaad mashruuc aad haysato hadii kale waxaad ogtahay in aadan waxba ku helaynin oo lacagta kaaga baxaysa qaadashadiisa ama cusboonaysiintiisa ayaaba adag.
Waxaa iska cad in Masuul hebel ama wasiir hebel marka uu rabo in uu qandaraas uu siiyo habel hadalka ugu horeeya uu ku odhan ay tahay liisankii soo cusboonaysiiso am liisan soo qaado waa la is ogyahay in liisanka lagu qaato ama lagu cusboonaysiiyo uun balan la hubo. Badalkii ay ka ahaan lahayd in shirkadu sharciyadeeda markasta cusub yihiin maadaama hadii tartan dhab ah uu jiri lahaa qodobka ugu horeeya uu yahay inn tartamayaashu soo xareeyaan shati cusub.
Talaabada labaad waa bixinta qaandaraaska. Sida aan soo sheegnay akhristoo hebel oo shatiga iskasoo qaatay uun ama balan kusoo cusboonaysiiyay ayaa la siin qaab uun ah hebel wuu aradan yahay oo waayadan waxba ma helin e qndaraas halasiiyo ha isku qaboojiyee waakan gubanayee. Halka ay ahayd in mashruuca si hufan loogu tartamo oo uu ku guulaysto uun kaliya shirkada saxda ahayd taas oo si buuxda diiradda loo saaray:
- Awoodda shirkadda ama qofka ku guulaysanaya mashruuca
- Khibraddii hore ee shirkada
- Qalabka iyo shaqaalaha ay haystaan
- Iyo sida ay u xaqiijin karaan in mashruucu u hirgalo sidii loo qorsheeyay
Waxaa badanaa dhacda in qaandaraaska lagu saleeyo cidda u baahan lacag degdeg ah sida ruux dhakhtar ku aadi lahaa, ama shaqsiyaad ku abaabuli lahaa ama shirar lagu taageerayo dawlada ka qabanaya dalka dibadiisa ama gudihiisaba ama cid munaasab ah oo inoo qaada ku fiican, halkii lagu eegi lahaa in mashruucu guuleysto, sidii larabayna u shaqeeyo islamarkaana bulshadu manafacaadsadaan.
Mashruuca waxaa la siiyaa qof ama shirkad:
- Aan lahayn awood farsamo
- Aan lahayn dhaqaale ku filan
- Aan waligeed mashruuc la mid ah fulin
Markaa ujeeddadu ma ahan in mashruucu guuleysto maadaama wadooyinkii uu ku guulaysan lahaaba aan lasoo baal maray, balse ujeedadu waa in qofka la siiyay uu ka helo nolol ku meel gaar ah ama uu ku daboolo baahi degdeg ah ama uu ku taageero nidaamka maamulka.
➡️ La soco Qaybta Labaad, halkaas oo aan kaga hadli doono
Mashruuc advance-giisii la isku qaboojiyay marxaladaha uu maro, sida liidata ee loo daba galo iyo sida uu udaba dheeraado dhamaystirkiisu taas oo waliba lacago kale oo badan loogu daro iyo ugu danbayn sida uusan bulshada waxtar muuqda ama raaga uugu yeelanin. La soco todobaadka danbe in sha ALLAAH
KA
