Maamulka dhabta ah wuxuu ku dhisan yahay caddaalad, karti, iyo isla-xisaabtan. Si kastaba ha ahaatee, Gayiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Deegaanka Soomaalida waxaa muddooyinkii ugu danbeeyay ka jiray nidaam ku dhisan saami-qaybsi qabiil, kaas oo saamayn xooggan ku yeeshay qaab-dhismeedka maamulka, tayada hoggaanka, iyo kalsoonida shacabka.
Inkastoo saami-qaybsigu markiisii hore loo arkayay inuusan xaq ahayn balse yahay xal ku meel gaar ah oo lagu ilaalinayo isu dheelitirka bulshada, haddana maanta wuxuu noqday mid si toos ah u saameeya horumarka, tayada shaqaalaha dawladda, iyo mustaqbalka jiilasha soo koraya.
Qormadan waxay si qoto dheer uga hadlaysaa:
-
Xaaladda hadda jirta
-
Dhibaatooyinka ka dhashay saami-qaybsiga qabiilka
-
Iyo xal macquul ah oo tayo, caddaalad, iyo horumar keeni kara
Xaaladda Hadda Jirta
Maanta, boosaska maamulka sare ee Deegaanka Soomaalida dhamaan waxaa lagu saleeyaa saami qabiil, tusaale ahaan laba shaqsi oo isku saami ah ma noqon karaan maamulka sare xataa hadii ay yihiin kuwa ugu macquulsan doorosho ahaan. Dhanka kale waxaa la arkaa shaqsi matalaya qabiil dhan mudo dheer kaas oo kolba xafiis laga badalo mid kalena la geeyo maadaama uusan xafiiskii hore waxba kusoo kordhin. Taas waa iska cadahay marka in saamiga qabiilka la ilaalinayo badalkii la eegi lahaa in si cilmiyaysan loo eego si loo heli karo shaqsi kale oo saamigiisa ah oo ka wanaagsan doorasho ahaan.
Saqooyinka maantay waxaa lagu saleeyaa saami qabiil halkii laga eegi lahaa:
-
Aqoonta qofka
-
Waayo-aragnimadiisa
-
Anshaxa iyo akhlaaqdiisa
-
Kartidiisa hoggaamineed
-
Iyo daacadnimadiisa
Arrintani waxay keentay in marar badan xilal muhiim ah lagu wareejiyo shaqsiyaad aan si buuxda ugu qalmin mas’uuliyadda la saaray, balse lagu doortay kaliya magaca qabiil iyo waxa uu kasoo jeedaa Gobol hebel. Ama waxaa dhacda in shaqsiga hada jooga xafiiska oo la rabo in la dhaafiyo booska si uu u qanco in mid reerkooda ah loogu magacaabo meel kale oo kaliya la eegayo uun in ninkaas la maagan yahay ay isku saami yihiin si kan meesha la dhaafin uu u tago isaga oo qanacsan.
Tani waxay dhaawacday:
-
Kalsoonida shacabka
-
Tayada go’aan-qaadashada
-
Horumarka hay’adaha
-
Iyo midnimada bulshada
Dhibaatooyinka Ka Dhashay Saami-Qaybsiga Qabiilka
1. Hoos u dhaca tayada hoggaanka
Marka xil lagu saleeyo qabiil, tayada hoggaanku si toos ah ayay u liidataa, maadaama aan la hubin in qofka la magacaabay uu leeyahay karti ku filan. Iyada oo la hubiyay uun in uu yahay reer hebal kaliya
2. Musuqmaasuq iyo isla xisaabtan la’aan
Qofka xilka ku yimid qabiil wuxuu dareemaa in mas’uuliyaddiisa ay ka badan tahay mida qabiilkiisa halkii ay ka ahaan lahayd shacabka deegaanka oo dhan. Taas waxay ka muuqataa xafiisyada Deegaanka oo markii aad soo gasho xafiis kamid ah xafiis-yada Deegaanka waxaad islamarkiiba garan kartaa Masuulka jooga xafiiskaan Qabiilkiisa.
3. Kalsooni darro bulsho
Bulshada inteeda kale waxay dareemaan in aysan helin caddaalad, maadaama Masuulka jooga xafiis hebel uu muhiimada koobaad markasta siiyo Qabiilkiisa, Dagmadiisa, iyo Suldaankiisa. Taasoo dhalisa caro, kala fogaansho, iyo niyad jab.
4. Jiilal rajo beela
Dhallinyarada wax baratay waxay dareemaan in aqoontooda iyo khibradoodaba aysan wax qiimo ah lahayn, maadaama fursaduhu ku xiran yihiin qabiilka ay yihiin oo kaliya.
Xalka: Saami Qabiil + Xulasho Ku Saleysan Karti
Haddii ay qasab noqoto in saami-qaybsiga qabiilka la ilaaliyo, waa in si cilmi ah loo hubiyaa in:
Isla qabiilkaas laga soo xulo qofka ugu aqoonta badan, ugu akhlaaqda wanaagsan, ugu kartida badan, uguna daacadnimada badan.
Qabiil hebel ayaa la rabaa in lagu qoro Wasiirka Biyaha waa sax markaa hala soo xulo tiro aqoon yahan ah oo kasoo jeeda qabiilkaas si loo tartan siiyo iyaga oo laga fiirinayo dhamaan qodobada kor ku xusan si markaa uu ugu soo baxo midka ugu fiican doorasho ahaan iyadoo dhanka kale l ilaaliyay saamigii qabiilka.
Hadii xafiis-yada Deegaanka oo dhan laga dhaqan galiyo xeerkaas waxay shacabka Deegaanka heli lahaayeen Masuulkii ay u baahnaayeen, shaqaalaha xafiisyadana waxay heli lahaayeen masuulkii saxda ahaa.
Taasi oo noqon lahayd isku dheelitirnaan u dhaxaysa:
-
Caddaaladda qabiilka
-
Iyo tayada hoggaanka
Sida loo hirgelin karo:
- In la sameeyo guddi madaxbannaan oo qiimeeya musharraxiinta
- In la eego waxbarashada, khibradda, aaminaada, sumcada, iyo taariikhda shaqo
- In lagu saleeyo hufnaan iyo isla-xisaabtan
- In la daah-furo habraac cad oo xulasho
Faa’iidooyinka Xalkan
Haddii nidaamkan la hirgeliyo, wuxuu keeni doonaa:
- Hoggaan tayo leh
- Kalsoonida oo shacabka ku soo laabata
- Hoos u dhac musuq-maasuq
- Horumar iyo haykal hay’adeed
- Iyo midnimo bulsho oo waarta
Maamulku wuxuu noqonayaa mid ku dhisan karti, balse aan gebi ahaanba meesha ka saarin xaqa saamiga qabiilka.
Saameynta Mustaqbalka
Haddii maanta aan wax ka beddel lagu samayn nidaamka saami-qaybsiga qabiilka, berrito:
- Jiilal tayo leh ayaa lumin doona rajo
- Horumar dhab ah lama gaari doono
- Khilaafka bulshadana waa sii jiri doonaa
Laakiin haddii maanta la bilaabo isbeddelkan, Deegaanka Soomaalida wuxuu yeelan karaa:
Hoggaan leh aqoon, akhlaaq, karti, iyo daacadnimo.
Gunaanad
Saami-qaybsiga qabiilka ma aha dhibaato keliya; dhibaatadu waa marka saami-qaybsigaas laga dhigo mid ka sarreeya kartida iyo aqoonta.
Maamulka wanaagsan wuxuu u baahan yahay:
- Qof ku habboon booska
- Qof leh masuuliyad
- Qof u shaqeeya bulshada oo dhan si usku mid ah
Qormadaan ma aha mid lagu dhaliilayo ama looga soo horjeedo qabiil, balse waa mid ku baaqaysa in ilaalinta qabiilka iyo doorashada kartidu aysan ahayn wax isdiidaya.
