Xaqiiqooyinka Qadhaadh ee Ka Jira Baahida Biyaha DDS
Qaybtii hore waxaan kaga hadalnay xaaladda guud ee biyaha ee Deegaanka Soomaalida (DDS) iyo sida ay u saamaysay bulshada magaalooyinka, tuulooyinka iyo miyigaba ku nool. Qaybtan labaad waxaan si qoto dheer ugu sii gudbi doonaa xaqiiqooyinka dhabta ah, kuwa la taaban karo ee maalin kasta ay bulshada DDS la kulmaan. Waa arin si cad u muujinaysa in baahida biyaha DDS ay tahay mid wali taagan, halis ah, oo u baahan xal degdeg ah oo ka baxsan hadal iyo ballan-qaad siyaasadaysan.
1. Biyo La’aanta DDS Maxaa sabab u ah?
Waxaa jira faham khaldan oo ah in biyo la’aantu ay ka dhalato kaliya abaaraha soo noqnoqda. Haa, cimiladu saameyn ayay leedahay, balse biyaha DDS waxa ka jira dhibaato ka weyn tan abaaraha. Dhibaatooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
-
Maamul xumo oo keenta in ceelal badan oo la qoday aysan shaqaynin wakhti yar ka dib.
-
Dayactir la’aan taas oo sababta in dhuumaha, matoorada, iyo solar-ka ay burburaan iyadoo aan cidna qaadanin masuuliyada dhabta ah ee daryeelka mashruuca.
-
Qorshe la’aan oo keenta in ceelal badan laga qodo meel isku dhow, ama lagu qodo qaab dag-dag ah halkii loo qorsheyn lahaa si nidaamsan oo dhamaystiran.
-
Nidaam water schemes ah oo aan shaqayn—inta badan mashaariicda biyaha looma dhiso sidii nidaam isku xiran oo joogto u shaqeeya (pump + reservoir + pipeline + distribution network).
Haddaba biyo la’aanta DDS waxaa sababay nidaam maamul oo dareen la’aan ah, khubaro la’aan ah, iyo maalgalin aan ka turjumaynin baahida dhabta ah.
2. Maamulka Xafiiska Biyaha?
Sida iska cad waxaa kajira saami qaybsi qabiil maamulka sare ee Deegaanga Soomaalida taas oo ka dhigaysa masuuliyiinta jooga xafiiska biyaha inay kasoo jeedaan goobo cayiman arintaas oo so toos ah aan ku celiyo si toos ah uuga hor imaanaysa nidamka cadaaladeed ee kajiri kara xafiiska maadaama aysan jirin akhristoow nidaam qoran oo daraasadaysan oo yaala xafiiska oo uu fulinayo uun masuulku, waxaa dhacda in masuuliyiinta jooga xafiiska ay jiheeyaan goobta laga fulinayo mashruuca iyo miisaaniyada lagu fulinayaba.
Waxay ahayd in masuuliyiinta xafiisyada nolosha aas-aasiga ah ee sida biyaha oo kale ah loo fiiriyo si kaduwan sida xafiis-yada kale maadaama ay muhiim tahay in biyo nadiif ah la gaadhsiiyo meelkasta oo kamid ah deegaanka sida ay ukala daran yihiina loogu kala horaysiiyo taas badalkeeda hada waxay tahay uun sida ay ukala hiilo badan yihiin waana wax ka fog dareenka bini’aadantinimo.
Deegaanka Soomaalidu waa deegaan aad u baaxad weyn. Celcelis ahaan qof kasta ama xoolo kasta waxay ku tiirsan yihiin hal il-biyood oo aan la hubin joogtaynteeda. Haddii maamulka biyaha sida uu hadda yahay uu u sii jiro nidaam ahaan islamarkaana uu u shaqaynayo sidan qorshe la’anta ah markaa xaalada biyaha waxay ahaan doontaa uun mid kasii darta. Waxayna sababi doontaa in:
-
Magaalooyinka qaar ay geli doonaan xaalad biyo la’aan daran marka matoorada ama solar-ka ay istaagaan.
-
Xoolo badan ayaa ku baabi’i doona sababtoo ah masaafada dheer ee loo socdo biyo raadis.
-
Carruurta iyo haweenka ayaa waqti badan ku lumin doona helidda biyo, taas oo saameyn ku yeelanaysa waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalahaba.
Waxaa muhiim ah in la fahmo in maamulka biyaha DDS aanu ahayn kaliya adeeg dhisme, balse uu yahay nolosha bulshada oo dhan.
Mid ka mid ah khaladaadka ugu waaweyn ee DDS laga sameeyo waa in ceelal badan iyadoo aan la sameyn hydrogeological study lagu qodo meelo aan biyo joogto ah lahayn. Tani waxay keentaa:
-
Ceelal si dhakhso ah u qalala.
-
Lacag badan oo khasaaro noqota.
-
Bulsho ku hungowda biyo ay rajaynayeen.
-
Khilaaf ka dhex dhasha bulshada iyo maamulka deegaanka.
Tusaale ahaan waxa dhacda in masuul kamid ah maamulka oo xafiis kale jooga in uu damco in tuuladiisa ama tuulada gacalkiisa ceel looga qado, deetana waxa la odhan masuulka halagu qanciyo oo ceel aan la daraasaynin, miisaaniyad loo haynin lagu gaadhsiiyo bulshada islamarkaana aan dayactir joogta ah loo diyaarinin ayaa lagu bixin wakhti iyo kharash iyadoo ujeedadu tahay uun in masuulka la qanciyo ma aha bulshada in wax looqaban.
Dhanka kale odoyaal dhaqameed ayaa u tagi masuulka jooga xafiiska si ceelal loogu qado qabalee hebel oo ay odoyaal kayihiin deetanii sidii hore oo kale unbaa la odhan sanaadiinta hala ixtiraamo oo haloo fuliyo codsigooda isla sidii oo kale unbaa loo qodi ceelal aanan meelna haysanin.
Akhristoow waxaan kusoo samaynay daraasaad aad u balaadhan deegaanka waxaa ka qodan in kabadan 138 ceel oo daboolan (Sealed Boreholes) qaarba si ayay afka uuga xidhan yihiin waxayna ka dhalatay kadib markii la iska indho tiray xaqiiqda dhabta ah.

Xalka dhabta ahi waa in daraasaad dhamaystiran oo kamadax banaan shaqaalaha jooga xafiiska lagu sameeyo deegaanka guud ahaan degmo kasta xogteeda ay hada ku sugan tahay iyo sida ugu fudud, fiican, dhaw ee ay ku heli karto biyo nadiif ah iyo kharashka saxda ah ee ku bixi kara miiska lasoo saaro kadibna loo qorsheeyo qaab waafaqsan miisaaniyada xafiiska iyo sida ay ukala daran yihiin. hadii ay sidaasi dhacdo masuulkasta oo yimaada xafiiska biyaha wuxuu ku shaqayn uun qorshahaas isaga o lagala xisaabtami doono sida uu u fuliyay qorshahaas qoran.
___________________________
La soco qaybta 3-aad inaga oo xooga saari doona sida loo maamulo ama loo maamulay mashaariicda xafiiska, waa intee celcelis ahaan tirada saxda ah ee heer daboolka biyaha deegaanka soomaalida tiro ahaan iyo tayo ahaanba iyo ugu danbayn xalka xiligaan.
KA
ka aqri qabtii hore halkn hoose

2 Comments on “Waa Sidee Xaalada Dhabta Ah Dhinaca Biyaha Ee DDS? Q-2aad”