Waa Sidee Xaalada Dhabta Ah Dhinaca Biyaha Ee DDS? Q-4aad

water scarcity

Xalka Biyo La’aanta DDS

Sida Loo Heli Karo Nidaam Waara, Cadaalad Ah, oo Cilmiyaysan

Akhristoow waxaan soo sheegnay islamarkaana aan soo cadaynay in biyo la’aanta ka jirta Deegaanka Soomaalida (DDS) aysan ahayn kaliya masiibo dabiici ah, balse waa dhibaato si toos ah uga dhalatay maamul xumo, isla xisaabtan la’aan, iyo nidaam fulin oo aan cilmiyaysnayn. Sida aan kusoo aragnay qaybihii hore, dhaqaalaha iyo miisaaniyada waa mid marwalba jiray, mashaariicduna way iska jireen, balse natiijo la taaban karo lama helin. Haddaba, su’aasha taagan maanta waa Hadiiba waxaasoo dhibaato ah ay wajahayaan bulsho waynta ku dhaqan Deegaanak Soomaalida muxuu yahay xalka xilligan?

1. Dib u habayn Maamul oo Dhab Ah (Institutional Reform)

Xalka ugu horeeya uguna muhiimsan waa dib u habayn buuxda oo lagu sameeyo maamulka biyaha DDS. Tani micnaheedu ma aha magac-bedel xafiis ama shaqaale is bedela kaliya, balse waa:

  • In la dhiso hay’ad biyo oo madax bannaan, lehna sharci cad iyo awood go’aan qaadasho.
  • In la kala saaro siyaasadda iyo farsamada, si go’aamada biyaha aan loogu salayn dano shaqsi ama qabiil.
  • In la hirgeliyo nidaam isla xisaabtan (accountability) oo cad, halkaas oo masuul kasta lagala xisaabtamo wixii uu maamulayo.

Haddii aan la helin hay’ad leh kalsooni bulsho iyo madax-bannaani farsamo, mashruuc kasta oo biyo ah wuxuu ahaanayaa mid si kumeel gaar ah u shaqeeya.

2. Qandaraasyo Si Caddaalad iyo Aqoon ah Ku Salaysan

Mid ka mid ah meelaha ugu burburka badan mashaariicda biyaha DDS waa qaabka qandaraasyada loo bixiyo sidii aan qaybtii hore kusoo sheeegnay.  Sidaa darteed, xalka waa:

  • In la dhaqan geliyo hab qandaraas furan (open tendering) oo la jaan qaadaya xeerarka qaranka.

  • In shirkad ama qandaraasle-ha ku guulaysanaya mashruuca uu yahay kaliya midka buuxiya shuruudaha farsamo, khibrad, iyo awooda dhaqaale.

  • In la abuuro gudi madaxbanaan oo kormeerta qaabka qandaraasyada, kana kooban khubaro biyo, sharci, iyo maaliyad.

Mashruuc biyo oo lagu bixiyo qaraabo iyo saaxiibtinimo waligiis xal uma noqon karo bulsho oomman, tabaalaysan si lamid ah daalan.

3. Qorsheyn Cilmiyaysan iyo Xog Dhab Ah (Data-Driven Planning)

Xaqiiqatan waxaan inaba jirin daraasaad xaqiiqo ah oo dhamaystiran  guud ahaan deegaanka somalida dhinaca biyaha waana sababta rasmiga ah ee aa aanan loo fulinaynin mashruuca saxda ah iyo meesha saxda ah oo ay intaasi dheertahay inaysan fulinaynin cidii saxda ahayd taas oo ina dhaxalsiisay in jawaabta ay noqoto uun “Isbadalkii kahor waxba majirin

Deegaanku waxa uu ka kooban yahay in kabadan 95 dagmo ma aqaan tirada saxda ah kadib qaab dhismeedka cusbaa ee dhawaan la sameeyay, dhamaan dagmooyinkaas way kala duwan yihiin cimilo ahaan iyo xaalad ahaanba markay timaado ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha. Tusaale ahaan dagmooyinka qaar wabiyo ayaa mara, qaar kale roobab fiican ayay helaan, qaar kale datum ka dhulka ayaa dhaw oo ceelal badan ayaa laga qodi karaa, qaar kalena waxay leeyihiin Spring water ilo biyo oo dhulka kasoo burqada ugu danbayn waxaa jira dagmooyinka qaar oo aanan haysanin ama lahayn dhamaan intaasba mid kamid ah oo u baahan xal gooni ah.

Waxaa loo baahan yahay in deegaanka la galiyo International Consultant oo dhinaca biyaha ah kuwaas oo daraasaad dhamaystiran soo samaysa iyaga oo xooga saara dagmo hebel:

  • Imisa qof ayaa ku nool wakhtigaan?
  • Biyo ma helaan xiligaan?. Hadiiba ay haystaan xagay ka helaan?
  • Masaafo intee la eg ayay u jirtaa meesha ay ka helaan biyaha?
  • Qaabkee looga faa’iidayn karaa khayraadka ay haystaan?
  • Biyo tiro iyo tayaba leh sidee ayay u heli karaan maanta iyo mustaqbalkaba bulshada ku dhaqan dagmada dhamaan?
  • Miisaaniyad intee la eg ayay u baahan kartaa?
  • Sidee ugu fiican, ugu fudud, uguna dhakhso badan ee loo fulin karaa?
  • iyo su’aalo badan oo kale oo la xidhiidha daraasaadka iyo xalka ee kale ee macquulka ah oo dhan.

Waxaad fahmi kartaa akhristoow in ay u baahan tahay qorshe biyo oo ku dhisan xog dhab ah, halkii kaliya laga adeegsan lahaa tirooyin qurxoon oo mala awaal ah.

Hadii Daraasaadkaas oo dhamaystiran la helo waxaa dhib yaraan in lagu saleeyo sida ay dagmooyinku ukala daran yihiin, hada ma aha sida ay hada tahay ee ah “sida ay ukala hiilo badan yihiin” iyada oo laga duulayo miisaaniyada loo qoondeeyo xafiiska, markaas waxaa la dajin karaa qorshe 5 sano ah oo qoran deetana masuulka jooga xafiiska ciduu dooni ha noqdo waxa uu fulin lahaa uun qorshahaas xogta leh, xaqiiqda ah islamarkaana cilmiyaysan ee horyaala waxaana fududaan lahayd sida loo qiimayn lahaa masuulka, arintaas oo runtii bulshada ku dhaqan guud ahaan deegaanka soomaalida u noqon lahayd wax ay kaga raysan lahaayeen baahida biyo ee lafaca ah.

Maadaama la hayo daraasaad cad islamarkaana qorshe 5 sano ah la diyaariyay waxaa dhici lahayd marka wixii miisaaniyada xafiiska laga qaban ma ahane wixii kale in xukuumada ay la wadaagto deeq bixiyayaasha kala duwan si ay uuga helaan deeq lagu maareeyo iyaga oo u gudbinaya daraasaadka iyo qorshaha qoran taas oo fududayn karta helida deeq lacageed oo wax fiican ka tarta baahida biyaha ee deegaanka.

Hadii kale warkeenu ha ahaado uun “Isbadalkii kadib wax daraasaad ah lama samayn jirin

4. Miisaaniyad Hawlgal iyo Dayactir Joogto Ah

Mid ka mid ah khaladaadka waaweyn ee deegaanka soomaalida ka jira waa in mashruuca faraha lagaga qaado uun  furitaan. Xalka dhabta ah waa:

  • In mashruuc kasta lagu daro miisaaniyad hawlgal (Operational & Maintenance Budget).

  • In la tababaro shaqaale maxalli ah oo mas’uul ka noqda dayactirka.

  • In la sameeyo jadwal kormeer joogto ah si cilad kasta loo ogaado ka hor inta uusan mashruucu istaagin ama bur-burin.

5. Ka Qaybgal Bulsho oo Sharciyaysan (Community Governance)

Bulshadu waa in aysan noqon daawade, balse ay noqoto qayb ka mid ah go’aan qaadashada. Taas macnaheedu waa:

  • In la dhiso guddiyo biyo oo sharciyaysan oo ka shaqeeya goobaha mashruuca ka faa’iidaysanaya lehna tababar iyo xeer qoran.

  • In bulshada la siiyo doorka kormeerka, balse aan lagu wareejin mas’uuliyad aysan awood u lahayn.

  • In la dhiso kalsooni u dhaxaysa xafiiska iyo shacabka.

Hadii bulshada la siinin doorkooda ama aanan si dhab ah looga qayb galinin geedi socodka mashaariicda oo  la iska indho-tiro waligeed ma ilaalin karto mashruuc mana dariimi doonto wax lahaansho ah.

6. Mudnaan la Siiyo Miyiga

Waa in si gaar ah dirada loo saaro meelaha miyiga ah ee aadka ugu nugul biyo la’aanta taas oo ku sababta in xoolaha iyo dadkaba ay bilaabaan inay u dhintaan biyo la’aan taas oo xaqiiqo ah in:

  • Miyiga iyo xoolo-dhaqatada ay yihiin kuwa ugu nugul.

  • In la dhiso nidaamyo u adkaysan kara abaaraha (solar-powered boreholes, water storage).

  • In la isku xiro qorshaha biyaha iyo maareynta musiibooyinka (disaster risk management).

Gunaanad

Biyo la’aanta DDS xalkeedu ma aha ballan-qaad siyaasadeed ama mashruuc sawir lagu galo. Xalku waa nidaam, aqoon, caddaalad, iyo isla xisaabtan. Haddii la hirgeliyo talooyinkan cilmiyaysan, Waxaa la arkaa in deegaanka soomaalida inuu yeelan karo mustaqbal biyo oo waara.

Hadii kale, dooduna way socon doontaa, biyo la’aantuna way sii jiri doontaa. isbadalkii kahor tuna way uun sii socon

                                                                                            DHAMAAD

Hoos ka aqri qaybihii hore 

KA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *