Maxaa Dhaca Marka Lacagtii Mashruuca La Sii Daayo?
Sirta Qarsoon ee Dumisa Mashaariicda DDS
Hordhac
Qaybtii koowaad waxaan kusoo falanqaynay halka uu fashilka mashruucu ka bilaabmo: qaabka qandaraaska loo bixiyo iyo cidda loo dhiibo.
Waxaan iftiiminay in mashaariic badan oo ka hirgala Deegaanka Soomaalida aysan marnaba ku dhisnayn tartan hufan, qiimeyn farsamo, ama kartida shirkadda fulinaysa, balse ay inta badan ku dhismaan dano gaar ah, xiriirro siyaasadeed, ama xal u helidda baahi shaqsiyeed oo degdeg ah markaa.
Laakiin su’aasha xigta ee muhiimka ahi waa:
Haddii qandaraaskii la bixiyay, loona bixiyay sidaas aan soo sheegnay, maxaa xiga? Sidee ayuuse mashruucii halkaas uga sii fashilmaa?
Jawaabtu runtii waa mid ka sii murugo badan.
Sababta ugu weyn ee mashaariicda DDS u fashilmaan badankeed waxay si rasmi ah u bilaabataa marka la sii daayo lacagta ugu horreysa ee mashruuca, taas oo loo yaqaan advance payment.
Halkaa ayuu ka bilaabmaa burburka dhabtaa.
Advance-gii Mashruuca oo Noqda Lacag Lagu Qaboojiyo Dhibaatooyin Kale
Dunida inteeda badan, advance-ka mashruucu waa lacag loo sii daayo shirkadda si ay ugu diyaar garowdo fulinta mashruuca:
- Iibsiga qalabka
- Diyaarinta shaqaalaha
- Daabulista agabka
- Bilowga hawsha
Laakiin xaalado badan oo ka jira DDS, advance-kaasi ma gaaro ujeeddadii loo qorsheeyay.
Badanaa waxa dhacda in marka lacagta mashruuca la sii daayo:
1. In lagu bixiyo deymo hore
Qandaraaslaha mashruuca helay waxaa horay loogu leeyahay deymo ganacsi, deymo shaqsiyeed, ama lacag uu kusoo bixiyay sidii uu mashruuca ku heli lahaa.
Marka lacagtu soo dhacdo, mudnaanta koowaad ma noqoto mashruuca.
Waxay noqotaa:
Aan iska bixiyo wixii iga xirnaa ama la igu lahaa.
Mashruucii ayaa markiiba noqda mid aan lahayn dhaqaale ku filan.
2. In lagu daboolo baahiyo gaar ah
Mararka qaar lacagta mashruuca waxaa lagu:
- Iibsadaa gaari cusub
- Lagu dhistaa guri
- Lagu bixiya kharash qoys
- Lagu qabtaa munaasabado
- Lagu maalgeliyo ganacsi kale
Mashruucii loo asteeyay horumarinta bulshada wuxuu isu beddelaa fursad shaqsiyeed.
3. In lagu kala qaybsado dad badan
Tani waa meesha dhibaatadu ugu culus tahay.
Mashruuc mararka qaar ma aha mid uu hal qof leeyahay.
Waxaa jira dad badan oo “xuquuq” ku leh mashruucaan la qaatay, sida:
- Qofkii soo xidhay Mashruuca
- Qofkii saxiixay
- Qofkii fududeeyay
- Qofkii dardargeliyay
- Qofkii dammaanadda bixiyay
- Xataa qofkii lacagta account-ka qandaraaslaha ku shubay
Advance-gii mashruuca marka la helo, waxaa dhacda in la kala qaybiyo.
Markaas mashruucii lagu fulin lahaa lacag ku filan uma harto.
Marxaladda Xigta: Mashruuca oo Si Liidata Ku Bilaabma
Marka dhaqaalihii mashruuca yaraado, shirkaddu waxay bilowdaa xeelado ay ku qarinayso fashilka.
Waxaa kamid ah:
Qalab tayo hoose leh
Si kharashka loo yareeyo waxaa la isticmaalaa agab aan tayo lahayn.
Tusaale ahaan:
- Sibidh tayo liita
- Tuubooyin jaban
- Bir aan heerkeedu gaadhsiisnayn
- Matoorro duug ah
Natiijada?
Mashruucu wuu istaagaa ama si degdeg ah ayuu u burburaa.
Shaqaale aan xirfad lahayn
Si lacag loo badbaadiyo waxaa la shaqaaleysiiyaa dad aan tababar lahayn.
Waxay qabtaan shaqo aysan aqoon u lahayn.
Mashruucii wuxuu noqdaa mid muuqaal ahaan dhammaaday, laakiin farsamo ahaan fashilmay.
Jadwalkii mashruuca oo dib u dhac weyn gala
Mashruucii lagu balansanaa 6 bilood wuxuu noqdaa:
- 1 sano
- 2 sano
- Mararka qaar 4 sano
Bulshadii sugaysay adeegga waxay gashaa niyad jab.
Kormeer La’aanta: Waana Albaabka Laga Soo Galo Musuqmaasuqa
Mashruuc kasta wuxuu u baahan yahay dabagal joogto ah.
Laakiin xaqiiqada jirta ayaa ah in mashaariic badan aan si dhab ah loo kormeerin.
Sababaha waxaa kamid ah:
Kormeeraha iyo qandaraaslaha oo isku dhinac ah
Marka xiriir gaar ahi jiro, warbixinta runta ah lama qoro.
Wax kasta waxaa loo qoraa:
Mashruucu si wanaagsan ayuu u socdaa.
Xitaa haddii xaqiiqadu ka duwan tahay midaas.
Safarro aan dhab ahayn
Mararka qaar waxaa la sheegaa in mashruuca la kormeeray.
Laakiin kormeer dhab ahi ma dhicin.
Sawirro kooban, saxiixyo degdeg ah, iyo warbixin qurux badan ayaa la sameeyaa.
Bulshaduna waxay mooddaa in wax walba hagaagsan yihiin ama si wanaagsan wax u socdaan.
Maxaa Ugu Dambeeya?
Marka mashruuca la “dhameeyo”:
Waxaa la qabtaa xaflad furitaan.
Sawirro ayaa la qaadaa.
Warbaahinta ayaa lagu baahiyaa.
Masuuliyiin ayaa khudbado jeediya.
Laakiin dhowr bilood kadib:
- Ceelkii wuu xumaadaa
- Waddadii way duntaa
- Dhismihii wuu dildilaacaa
- Adeeggii wuu joogsadaa
Bulshadii loo dhisay mashruucu wax faa’iido waarta ah kama hesho.
Ugu Danbayn
Akhristoow Marka si qoto dheer loo eego, fashilka mashaariicda DDS ma bilaabmo marka darbigu dumo, ceelku xumaado, ama waddadu burburto.
- Wuxuu bilaabmaa maalinta la leexiyo ujeeddadii mashruuca.
- Wuxuu bilaabmaa marka dan guud loo beddelo dano gaar ah.
- Wuxuu bilaabmaa marka kormeerkii dhabtaa uu isu beddelo saxiix degdeg ah, isla xisaabtankii uu noqdo aamusnaan, tayadiina lagu beddelo muuqaal dibadda qurux badan.
Taasi waa sababta marar badan aynu u aragno mashaariic si rasmi ah loo furay, sawirradoodana si weyn loo baahiyay, balse bilo yar kadib bulshada aan wax faa’iido ah ka helin.
Su’aasha ugu weyn ee hadda taagan waxay tahay:
Haddii aynu si cad u fahamnay halka dhibaatadu ka bilaabanto iyo sida ay u korto, maxaa xal u noqon kara?
Ma suuragal baa in nidaamkan la saxo?
Ma jiri kartaa hannaan dhab ah oo mashaariicda DDS loogu beddeli karo kuwo bulshada si waarta ugu adeegaya?
➡️ La soco Qaybta 3aad
Halkaas oo aynu si faahfaahsan uga falanqayn doono:
- Xalka dhabta ah ee fashilka mashaariicda DDS
- Doorka bulshada iyo warbaahinta
- Sida loo abuuri karo isla xisaabtan dhab ah
- Iyo tallaabooyinka lagu badbaadin karo hantida dadweynaha
Toddobaadka dambe, Insha Allah.
Qaybtii 1-aad Xagan hoose ka akhri
Maxay Tahay Sababta Dhabta ah ee Ka Dambaysa Fashilka Mashaariicda DDS ? Mase Ogtahay?