Hordhac
Xalka: Sidee Loo Badbaadin Karaa Mashaariicda iyo Hantida Dadweynaha?
Qaybihii hore waxaan si qoto dheer uga hadlaynay halka ay dhibaatooyinka mashaariicdu ka bilaabmaan iyo sida ay ugu sii gudbaan marxaladaha kala duwan ee fulinta.
Qaybtii koowaad waxaan diiradda saarnay qaabka qandaraasyada loo bixiyo iyo muhiimada ay leedahay in mashruuca lagu doorto karti, tartan iyo qiimeyn hufan.
Qaybtii labaadna waxaan kusoo falan qaynay waxa dhici kara marka lacagta mashruuca la sii daayo, gaar ahaan lacagta hormariska ah (Advance Payment), iyo sida maamul-xumada dhaqaale, kormeer la’aanta, tayada liidata iyo dib-u-dhacyadu ay ugu dambayn u sababi karaan in mashruuc bulshada loogu talagalay uusan gaarin natiijadii loo qorsheeyay ama laga filayay.
Laakiin hada waxaa taagan su’aashii ugu muhiimsanayd:
Haddii dhibaatada la fahmay, sidee loo sixi karaa?
Ma ku filan tahay in la yiraahdo “mashaariicda ha la kormeero“?
Maya.
Ma ku filan tahay in la yiraahdo “musuq-maasuqa ha la joojiyo“?
Sidoo kale maya.
Hadii aan rabno mashaariic si dhab ah bulshada ugu adeegaya, waxaan u baahanahay nidaam mashruuc oo shaqaynaya, laga bilaabo qorshaynta ilaa uu mashruucu bulshada si buuxda ugu wareegayo, iyo xitaa kadib marka la dhammeeyaba.
1. Xalku Wuxuu Ka Bilaabmaa Kahor Inta Aan Qandaraaska La Bixin
Khaladka ugu weyn ayaa ah in mararka qaar mashruuca la bilaabo iyadoo aan si wanaagsan loo qeexin waxa dhab ahaan loo baahan yahay.
Mashruuc wanaagsan wuxuu u baahan yahay:
- Baahi dhab ah oo la xaqiijiyay
- Daraasaad dhamaystiran (Feasibility Study)
- Naqshad sax ah (Design)
- Liiska tirada iyo qiimaha shaqooyinka (Bill of Quantities – BoQ) oo macquul ah
- Qiyaas sax ah oo kharashka mashruuca ah (Cost Estimation)
- Tixgelinta arimaha deegaanka iyo bulshada (Environmental and Social Considerations)
- Jadwalka fulinta mashruuca (Implementation Schedule)
- Qiimeynta khataraha (Risk Assessment)
- Qorshe hawlgal iyo dayactir (Rehabilitaion Plan)
Tusaale ahaan, hadii ceel biyo ah la dhisayo, su’aashu ma aha oo keliya:
Meeshee ayaan gaynaa ceelkaas, yaan ku sharafnaa, ama imisa lacag ah ayuu ceelku ku kacayaa?
Su’aalaha saxda ahi waa:
- Biyaha dhulka hoostiisa ma jiraan intese lagu gaadhayaa?
- Tayadoodu siday tahay?
- Bulshada intee in le’eg ayaa ka faa’iidaysanaysa?
- Cadadka biyo (yield) ee loo baahan yahay waa intee?
- Yaa maamuli doona ceelka marka la dhammeeyo?
- Yaa bixin doona kharashka dayactirka?
Haddii su’aalahan aan laga jawaabin, xitaa mashruuc si farsamo ahaan u qurux badan loo dhisay wuxuu mustaqbalka noqon karaa mashruuc aan shaqayn.
2. Qandaraaska Waa In Lagu Saleeyaa Kartida, Ma’aha Garashada, ixtiraamka, ama baahida shaqsiga
Qaybtii koowaad waxaan akhristoow si balaaran uga soo hadalnay arrintan. guji halkaan si aad u booqato.
Xalku ma aha oo keliya in la yiraahdo “tartan ha la sameeyo.”
Waxaa muhiim ah in tartanku noqdo mid dhab ah oo la cabiri karo.
Shirkad kasta waa in lagu qiimeeyaa ugu yaraan:
- Khibradeeda
- Shaqaalaheeda farsamo
- Qalabkeeda
- Awooddeeda dhaqaale
- Mashaariicdii hore
- Waxqabadkeedii hore
- Nidaamkeeda hubinta tayada (Quality Assurance System)
- Qorshaheeda fulinta
- Qiimaha ay soo bandhigtay
Qiimaha ugu hooseeya mar walba ma aha qiimaha ugu wanaagsan.
Hadii shirkadu qiime aad u hooseeya soo bandhigto laakiin aysan awood u lahayn inay mashruuca fuliso, waxa laga yaabaa in lacagtii la bad-baadiyay ay ugu dambayn isu bedesho kharash ka badan kii la cararayay.
Sidaa darteed:
Qiimaha iyo faa’iidada guud ee ugu wanaagsan (Best Value for Money) waa inay ka muhiimsanaadaan qiimaha ugu hooseeya (Lowest Price).
3. Lacagta Hormariska ah Waa Inay Noqotaa Lacag Mashruuc, Ee Noqonin Lacag Shirkadeed Oo Xor Ah.
Lacagta hormariska ah (Advance Payment) lafteedu ma aha dhibaato.
Dhibaatadu waxay bilaabataa marka aan la helin nidaam lagu hubinayo in lacagtaasi ku baxday ujeedadii loogu sii daayay qandaraaslaha.
Sidaa darteed waa in la sameeyaa:
Qorshaha Isticmaalka Lacagta Hormariska ah (Advance Payment Plan)
Shirkaddu waa inay si cad u muujisaa sida lacagta loo isticmaali doono.
Tusaale ahaan:
- Qalab
- Agab
- Diyaarinta goobta iyo dhaq-dhaqaaqa bilowga ah ee mashruuca
- Shaqaale
- Gaadiid
- Diyaarinta goobta shaqada
- Shaqo hufan oo ka turjumaysa naqshada, wakhtiga iyo qiimaha lacagta.
Kadibna waa in kharashaadkaas lagu xaqiijiyaa:
- Qaansheeg (Invoice)
- Rasiid (Receipt)
- Warqad cadeyneysa in agab la keenay (Delivery Note)
- Dhaqdhaqaaqa lacagta ee bangiga (Bank Transaction)
- Xaqiijinta goobta shaqada (Site Verification)
Lacag kasta oo la bixiyo waa in ay lahaataa raad cad oo dukumiinti ah (Paper Trail).
Tani waxay meesha ka saaraysaa fikradda ah:
Lacagtii waa la siiyay, wixii ay shirkadu ku samaysana iyadaa unbaa og.”
Maya.
Lacagta mashruucu waa inay lahaataa ujeedo iyo isla xisaabtan cad.
4. Kormeeraha Mashruucu Waa Inuu Noqdaa Qof Si Dhab ah U Madaxbannaan
Mashruuc ma noqon karo mid si wanaagsan loo maamulo hadii qofkii fulinayay iyo qofkii hubinayay shaqadiisa ay leeyihiin dano is-dulsaaran.
Sidaa darteed waxaa muhiim ah:
Kormeere Madaxbannaan (Independent Supervision)
Kormeeruhu waa inuu awood u leeyahay inuu yiraahdo:
Shaqadani ma waafaqsana naqshada, tayada ama waqtigii loo qorsheeyay.
Xitaa haddii qandaraasluhu uusan jeclaysan.
Waa in la hubiyaa:
- Kormeerka goobta (Site Inspection)
- Tijaabinta agabka (Material Testing)
- Xaqiijinta cabirrada shaqada (Measurement Verification)
- Xaqiijinta horumarka mashruuca (Progress Verification)
- Xakamaynta tayada (Quality Control)
- Xakamaynta isbedelada qandaraaska (Variation Control)
- Xaqiijinta iyo ansixinta lacag-bixinta (Payment Certification)
Warbixinta kormeeruhu waa inaysan noqon warqad shaanbad iyo saxeex leh oo keliya.
Waa inay noqotaa warbixin cadeymo ku salaysan (Evidence-Based Reporting).
5. Lacagta Qandaraaslaha La Siinayo Waa Inay Ku Xirnaataa Shaqada Dhab ahaan La Qabtay
Tani waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee mashruuca lagu ilaalin karo.
Haddii qandaraasluhu shaqada 30% qabtay, lacagta la siinayo waa inay ku salaysnaataa 30% shaqo ah oo goobta laga xaqiijiyay, iyadoo la raacayo shuruudaha qandaraaska.
Ma aha:
Lacag ayuu u baahan yahay mashruucu ama qandaraasluhu ee haloo fasaxo.
Laakiin:
Shaqo intee le’eg ayaa la qabtay?, yaase xaqiijiyay?, mase lahayaa wax cadaymo lagu kalsoonaan karo ah?
Taasi waxay ka dhigaysaa lacag-bixinta mid ku xiran waxqabadka dhabta ah (Performance).
6. Mashruuc Kasta Waa Inuu Leeyahay Nidaam Lagala Socdo Halka Dhabta ah ee Uu Marayo
Maanta xogta dhabta ahi waa awooda ugu wayn ee go’aan qaadashada.
Hadii maamulka uusan garanayn:
- Miisaaniyadda mashruuca
- Lacagta la bixiyay
- Shaqada la dhameeyay
- Waqtiga la isticmaalay
- Waqtiga ka haray
- Isbedellada qandaraaska
- Khataraha
- Dhibaatooyinka
- Waxqabadka qandaraaslaha
sidee ayuu go’aan sax ah u qaadan karaa?
Mashruuc kasta oo weyn waa inuu leeyahay Nidaam lagula socdo Waxqabadka Mashruuca (Project Performance Dashboard).
7. Bulshada Waa In Laga Dhigo Qayb Ka Mid ah Kormeerka
Waxaa jira dad badan oo mashruuc kasta wax ka ogaan kara marka laga reebo xafiiska dowladda.
Bulshada meesha mashruucu ka socdo.
Hadii Wado la dhisayo, bulshada ayaa ogaan karta marka shaqadu istaagto.
Hadii Ceel la qodayo, bulshada ayaa ogaan karta marka ceelku shaqayn waayo.
Hadii Iskuul la dhisayo, waalidiinta iyo ardaydu waxay arki karaan haddii adeeggu dhab ahaan yimid.
Sidaa darteed waa in la sameeyo:
Kormeer Bulsho (Community Monitoring)
Bulshada waa in loo sheego:
- Mashruucu muxuu yahay?
- Immisa ayuu ku kacayaa?
- Goorma ayuu bilaabanayaa?
- Goorma ayuu dhammaanayaa?
- Yaa fulinaya?
- Maxaa la dhisayaa?
- Yaa lala xiriirayaa marka cabasho jirto?
Marka xogta la qariyo, isla xisaabtanku wuu adkaanayaa.
Marka xogta la wadaago, bulshadu waxay noqon kartaa indhaha mashruuca.
8. Warbaahintu Waa Inay Ka Gudubtaa Sawirka Furitaanka
Warbaahinta mararka qaar waxay xooga saartaa:
Masuul ayaa maanta xarigga ka jaray mashruuc cusub.
Laakiin su’aasha muhiimka ahi waxay bilaabataa maalinta xafladdu dhammaato.
Lix bilood kadib:
- Mashruucu ma shaqaynayaa?
- Tayadiisu waa sidee?
- Bulshadu ma adeegsanaysaa?
- Lacagtu ma ku filnayd?
- Maxaa ka khaldamay?
- Qandaraasluhu ma gutay waajibaadkiisii?
Warbaahinta dhabta ahi waa inay samaysaa:
Dabagalka Mashruuca (Follow-up Reporting)
Mashruuca waa in lagu laabto kadib:
- 3 bilood
- 6 bilood
- 12 bilood
Markaas ayaa la ogaan karaa in mashruucu yahay mid si dhab ah u guulaystay iyo inuu yahay kaliya mid muuqaal ahaan guulaystay.
9. Waa In La Sameeyaa Kaydka Waxqabadka Qandaraaslayaasha (Contractor Performance Database)
Tani waa xal mudo dheer wax badan bedeli karta.
Shirkad kasta oo mashruuc fulisa waa in loo sameeyaa kayd xogeed muujinaya:
- Mashaariicda ay dhameeyeen
- Mashaariicda dib u dhacay
- Waxqabadka tayada
- Isbedelada qandaraasyada
- Cabashooyinka
- Waxqabadka dhaqaale
- Waxqabadka dhinaca badbaadada
- Qiimeynta ugu dambaysa
Marka shirkad cusub la qiimeynayo mashaariic dambe, markaa lagama soo bilaabi doono eber.
Waxaa la eegayaa:
Sidee ayay shirkaddani u fulisay mashaariicdii hore?
Hadii qandaraasluhu uu marar badan ku guuldaraystay mashaariic, taasi waa xog muhiim ah oo go’aan qaadashada mustaqbalka lagu salayn karo.
10. Mashruuca Yaan Lagu Qiimeyn Dhismaha Keliya
Tani waa meesha ugu wayn ee inta badan khaladka laga galo.
Waxaan la dhaahaa:
“Mashruucii waa la dhammeeyay.”
Laakiin maxay ka dhigan tahay dhammeeyay?
Hadii Ceel la dhisay oo sadex bilood kadib shaqayn waayo, ma guul baa?
Hadii Wado la dhisay oo roobkii ugu horreeyay kadib burburto, ma guul baa?
Hadii iskuul la dhisay laakiin aan lahayn biyo, musqulo iyo agab ku filan, ma guul baa?
Maya.
Mashruuca waa in lagu qiimeeyaa:
Waxa la soo saaray + Natiijada uu keenay + Joogteynta (Output + Outcome + Sustainability)
Ma aha oo keliya dhismaha oo dhamaaday.
11. Mashruuc Kasta Waa Inuu Leeyahay Qorshe Dayactir iyo Joogteyn
Mashaariicda qaar waxay fashilmaan kadib marka qandaraasluhu uu ka baxo goobta.
Sababtu waa:
Yaa dayactiraya?
Sidaa darteed ka hor inta mashruuca la dhammeeynin waa in la caddeeyaa:
- Yaa leh?
- Yaa maamulaya?
- Yaa dayactiraya?
- Immisa ayuu dayactirku ku kacayaa?
- Lacagtu xaggee ka imaanaysaa?
- Yaa tababaraya dadka deegaanka?
- Maxaa dhacaya marka qalabku xumaado?
Mashruuc aan lahayn Qorshe Hawlgal iyo Dayactir (Operation and Maintenance Plan) wuxuu halis ugu jiraa inuu noqdo mashruuc muddo gaaban shaqeeya.
12. Isla Xisaabtanku Waa Inuu Noqdaa Nidaam.
Hadii aan rabno isbedel dhab ah, waa inaan ka gudubnaa fikirka ah:
Qofkan ayaa dhibka leh.
Dhibaatadu mararka qaar qof keliya kama timaaddo.
Waxay ka iman kartaa:
- Nidaam daciif ah
- Habraacyo xakameyn oo aan shaqayn
- Iib iyo qandaraas aan hufnayn
- Kormeer liita
- Dukumiintiyo aan dhamaystirnayn
- Xog aan la isticmaalin
- Isla xisaabtan aan caddayn
Sidaas darteed xalka waara waa in la dhiso nidaam (System) xitaa haddii dadka shaqaynaya is beddelaan.
13. Maxaa Dhaca Haddii Mashruucu Fashilmo?
Tani waa su’aal aan inta badan laga hadlin.
Hadii qandaraasluhu ku guuldarraysto mashruuca:
Maxaa dhacaya?
Hadii kormeeruhu kormeerkii ku fashilmo:
Maxaa dhacaya?
Hadii mashruucu si weyn uga baxo miisaaniyaddii:
Yaa sharaxaya sababta?
Hadii mashruucu dib u dhaco:
Yaa lala xisaabtamayaa?
Jawaabtu waa inay ku jirtaa nidaamka qandaraaska iyo maamulka mashruuca.
Waxaa jiri kara:
- Talaabo sixitaan (Corrective Action)
- Digniin waxqabad (Performance Notice)
- Qorshe dib-u-soo-kabasho (Recovery Plan)
- Tallaabooyin qandaraas ku salaysan (Contractual Remedies)
- Magdhowga dib-u-dhaca marka uu qandaraasku oggol yahay (Liquidated Damages)
- Beddelid
- Xallinta khilaafaadka (Dispute Resolution)
Ujeedadu ma aha in qandaraasle kasta la ciqaabo.
Ujeedadu waa in qof kasta uu ogaado in waxqabadkiisu leeyahay natiijo iyo isla xisaabtan.
14. Maamulka iyo Hogaaminta Mashruuca
Marka dhammaan qodobada kor ku xusan la isku geeyo, waxaan helaynaa hal fikrad oo muhiim ah:
Maamulka Mashruuca iyo Nidaamka Isla Xisaabtanka (Project Governance)
Maamul iyo nidaamka wanaagsan ee mashruucu wuxuu cadeeyaa:
- Yaa go’aanka qaadanaya?
- Yaa lacagta maamulaya?
- Yaa kormeeraya?
- Yaa xaqiijinaya tayada?
- Yaa xaqiijinaya lacag-bixinta?
Yaa qaadanaya mashruuca marka la dhammeeyo?
Yaa lala xisaabtamayaa hadii mashruucu fashilmo?
Marka masuuliyada iyo awooda go’aan qaadashadu cadaadaan, meelaha khaladku ka dhici karo way yaraadaan.
Haddaba Maxaan Samayn Karnaa?
Haddii aan rabno in mashaariicda DDS ay noqdaan kuwo bulshada si dhab ah ugu adeegaya, waxaan u baahanahay inaan ka gudubno hadalka oo keliya, una gudubno tallaabooyin la cabbiri karo, nidaamyo shaqaynaya iyo isla xisaabtan dhab ah.
Laakiin xalka mashaariicda DDS ma aha mas’uuliyada hal dhinac oo keliya.
Maamulka wuxuu leeyahay masuuliyad.
Qandaraaslayaashu waxay leeyihiin masuuliyad.
La-taliyayaashu waxay leeyihiin masuuliyad.
Bulshadu waxay leedahay masuuliyad.
Saxaafadu waxay leedahay masuuliyad.
Hadaba maxay tahay waxa mid kasta oo dhinacyadan ka mid ahi qaban karo?
Sideese dhammaan dhinacyadani ugu wada shaqayn karaan sidii hantida dadweynaha loogu bedeli lahaa mashaariic tayo leh oo bulshada si waarta ugu adeegaya?
La soco Qaybta 4-aad, Insha Allah.
Qaybta ugu dambaysa ee taxanahan waxaan si qoto dheer uga hadli doonaa waxa aynu samayn karno
— ka maamul ahaan, ka bulsho ahaan, ka saxaafad ahaan, iyo dhinacyada kale ee ay khusayso
— si loo dhiso nidaam mashaariic oo hufan, tayo leh, isla markaana bulshada si dhab ah ugu adeega.
W/q KA
Hoos ka akhri qaybihii hore
QAYBTA-1AAD
Maxay Tahay Sababta Dhabta ah ee Ka Dambaysa Fashilka Mashaariicda DDS ? Mase Ogtahay?
QAYBTA-2AAD
Maxay Tahay Sababta Dhabta ah ee Ka Dambaysa Fashilka Mashaariicda DDS? Qaybtii 2-aad.
